|

SHIRKII ISTAMBUUL LOOGU QABTAY SOOMAALIDA!!! faalo xiiso leh

Fikrad-hobyonet)Shirkii Istambuul sidii aan ka filaynay waa ka gaabiyey wuxuuna ilaa hadda u muuqdaa in uu yahay shir loogu talo in la iska dhigo in Soomaalida si daacad ah loo caawinayo hase yeeshee waa dhagar daboolan. Waa lagu yaqaan in gaaladu taqaan sida beenta run loogu ekaysiiyo. Waxaase la yaab leh in Soomaalida oo muddo ka badan 20 sano been loo soo sheegayey aanay weli helin xeeshii ay ku kala saari lahaayeen runta iyo beenta. Taas oo aan ku tilmaami karo demiinimo.

Haddii aan si maan gal ah u eego arrimaha Soomaaliya waxaa na soo daashaday shirar lagu xayeysiinayo hadallo mac-macaan laakiin natiijadoodu tahay jab iyo hallaag loo geysto ummadda Soomaaliyeed.

Su’aashu waa maxaa u sabab ah? Haddii aan dib u milicsado ceebtii xumayd ee ahayd dagaalkii qaballiga ahaa ee ka dhacay Soomaaliya markii uu dhacay xukunkii Mohamaed Siyaad Barre waxaa heshiis ku meel gaadha ah laga yeeshay shirkii 1aad ee Jabuuti Soomaalidu isugu tagtay iyada oo uusan jirin wax ajnebi ah oo ku dhex labnaa. Shirkaas waa lagu heshiiyey waxaana lagu dhistay dawlad taag daran oo uu madax ka ahaa Ali Mahdi. Dawladdii halkaas lagu soo dhisay oo loo wada han weynaa waxaa diiday beesha caalamka in ay aqoonsi siiyaan.

Waxaa mar labaad la isugu tegey Carta oo ka dib markii si buuxda loo heshiiyey lagu soo dhisay dawlad uu madax ka ahaa Abdiqaasim Salaad iyadana waxaa dumiyey beesha Caalamka oo ay UN-tu hor kacayso waadna og tihiin meesha lagu kala diray iyo sida qiyaamada ah ee loo kala diray. Waxaas oo dhan waxaa ka dambeeyey beesha Caalamka, Somali Contact Group iyo UN-ta oo madax u wada ahayd.

Ka dib waxay gaaladii is weydiiyeen in ay iyagu dawlad noo dhisaan waana tii 2da sano iyo barka la fadhiyey Imbigaathi halkaas oo si weyn loogu soo qorsheeyey dhibaatada Soomaaliya ilaa maanta ka hadhi la’.

Xubno ka mid ah baarlamaankii ayaa isku magacaabay argagixiso la dagaalan, waxay gureen culumadii diinta waxayna bilaabeen in ay gaalada lacag ka siistaan, kii u gadmi waayana ay meesha ku dilaan. Sidaas ayaa beesha Caalmka, Somali Contact Group iyo UN-tuba ku jeclaayeen waxaana lagu siiyey xasuuqa culuamda iyo shacabka lacag iyo saanad fara badan.
Hase yeeshee waxay illawsanaayeen in Alle jiro adduunkana isagu maamulo waxaa Alle markaas ku kacshay Midawgii Maxaakiimta iyo shacabkii dulmanaa argagixiso la dagaalankiina Alle waa uu jebiyey waxaana la helay markii ugu horaysay nabad iyo ammaan buuxa dadkii ay dagaal oogayaashu isku direen ee kala qoqobeen ayaa isu furmay, dekaddii iyo garoonkii dayuuradaha ee Muqdisho ayaa furmay, Somaliland iyo Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay raacayaan shareecada Islaamka. Sidaas darteed waxaa soo if baxay in Soomaaliyi dib u dhalatay iyada oo midaysan oo Islam ah.

Cadawgii Soomaaliya diidanaa wuxuu ka dhex waayey caada qaatayaashii u shaqayn jiray ee Soomaalida ahaa markaas ayuu amray in Itoobiya gasho. Waxaadna og tihiin in Maraykanku Itoobiya u diidi jiray in ay Soomaaliya gasho isaga oo isku hallaynayey dagaal oogayaashii u adeegayey ee danihiisa oo keliya fulinayey. Hase yeeshee markii ay meesha ka bexeen ayuu amray Itoobiya in ay gasho Soomaaliya.

Markii ay midawgii maxaakiimtu burbureen ayaa la isugu tegey Asmara adduunka intiisii kale Maraykanka ayaa la hadlay in aan burburka midawga maxaakiimta la marti gelin, hase yeeshee Asmara ayaa diidday in ay qaadato amarkaas. Sidaas ayay haraagii midawgii maxaakiimtu ku saldhigteen Asmara. Ururkii Soomaaliga ahaa ee meesha ka askunmay waxaa kala jebiyey kuwii horayb u diidanaa in ay ummadda Soomaaliyeed ay caga dhigato oo soo ceshato sharafkeedii iyo dawladnimadeedii.

Waxaa ummadda haysta 2 cadaw oo aad qatar ugu ah jiritaanka ummadda waxayna kala yihiin qabiilka oo si xun la isugu nacay looguna colloobay danihii guud ee ummadda ka dhexeeyeyna u weydey daryeel iyo caadaqaate dantiisa shaqsiga ah oo keliya u socda ummadnimo iyo dalna wax dan ah ka lahayn, garanna karin in hunguriga uu doonayo heli doono iyo in kale, sidaas darteedna wax kasta u haysta in uu wax ka doono oo u sacab tumaya.

Waxaas oo dibin daabyo ah maxay ugu dhacaysaa Soomaalida? Waxaa doonayaa in aan dadka u sheego in caalamku go’aan ku gaadhay in dagaalkii 1977kii lagu qaaday Itoobiya uu bahweynta gaalada ku dhaliyey in Itoobiya loo aaro looguna aaro in Soomaaliya gacanta loo geliyo oo ay ka mid noqoto Itoobiya ama aanay Soomaaliya weligeed noqon dawlad xor ah. Ruuxii arrinkaas ogi wax gorgortan ah cidna lama galeen laakiin caadaqaate maan gaab ah ayaa arinkaas moog una malaynaya in ay gaaladu u doonayaan wanaag. Allena wuxuu noo sheegay in aanay gaaladu wax wanaag ah inala doonayn taas ayaana run ah laakiin warka caadaqaatuhu ma aha run.

Dad maangaab ah ayaa dhaha waxaa naloo haystaa waa barwaaqada dhulka Soomaalida ku duugan, waxba kama jiraan waayo dhulkana Soomaali ayaa Alle dejiyey qayraakiisana Soomaali ayaa u xaq leh, in dawladaha waaweyni ay noo soo saaraanna cid ka diidday ma laha. Haddaba maxaa la isku haystaa? Wuxuu Alle noogu sheegay Quraanka kariimka ah in ay gaaladu isu hiiliyaan oo midiba midka kale daafaco, marka haddii aydaan idinkuna sidaas oo kale yeelin adduunka waxaa ka dhacaya fitno iyo dhibaato culus.
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُنْ فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ(الأنفال 73).

In gaalo Itoobiya u shaqaynayaan shaki ma laha waxaase nasiib darro ah in maanta kuwo isku sheegaya in ay caqli lee yihiin ama cilmi lee yihiin ay garan la’ yihiin sababta ka dambaysa dhagarahaas ummadda la baday.
IYADA OO AAN FAR WAAWEYN KU SHEEGAYO: WAA IN AANAY ADDUUNKA DIB DAMBE LOOGU ARKIN DAWLAD SOOMAALIYEED.

Shirkii hadda ugu dambeeyey ee lagu qabtay Istambuul, wuxuu ka mid noqday dhagaraha Soomaaliya loo maleegayo. Waxaa la filayey in Turkiga oo ah dawlad muslim ah Soomaalidu u arkayeen in ay tahay hiillo doonaysa in dadka muslimiinta ah ee ay gaaladu ku shimbiro waaqleeyeen ay u miciinto. Hase yeeshee uu noqday kii hadda ka hor lagu qabtay Dubai oo la isugu keenay culumo aad u waaweyn oo adduunka Islaamka ka ah caan iyo rag wax ku ool ah oo Islaam ah oo ahaan jiray madaxweynayaal.

Kanina kama duwana dhagartii ummadda gaaladu u dhigaysay si Soomaaliya loogu siiyo hadiyad Itoobiya. Waxaan anigu ka mid ahaa dadka ciddii wax ka sheegta gacanta ula tagta afkuna ka sii horreeyo. Waxaan xasuustaa in Shabaabta oo cambaaraysay aan aad ugu xadgudbay in aan ku tilmaamo dhuuni qaatayaal. In kasta oo aanay Shabaabtu waxa aan ku eedaynayo aanay iyagu ku eedaynayn ee ay eed been ah u hayeen haddana midda aan maanta ku haysto waa arrin cad oo aan haba yaraatee wax shaki ahi ku jirin.

Markii aan arkay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Istambuul waxaa iiga soo baxday in shirka lagu qabtay Turkiga laakiin ay maamulayeen go’aankana iska lahaayeen kuwii Itoobiya u hiilinayey. Wax is beddel ahna oo shirkaas ka soo baxay ma jiro aan ka ahayn in waddanka Soomaaliya aan loo dhisin dawlad si loo kala googooyo Soomaaliya oo loogu sameeyo maamul goboleedyo is diiddan hase yeeshee Itoobiya wada ogol.

Waxaa la dhisi doonaa dawlad ka kooban guddi isugu jira Soomaali iyo ajnebi oo uu ajnebigu awoodda sare iska lee yahay waayo xubnaha ajnebiga ahi waxay masu’uul ka yihiin dhaqaalaha, amniga iyo Siyaasadda. Marka iyaga ayaa dalka u noqonaya dawlad sidii ay doonaanna ugu talinaya.

Waxaa weli talada dalka gacanta ku haya IGAD, AU, EU, UN iyo wixii loo yiqiin beesha Caalamka. Baarlamaanka, madaxtooyada, golaha wasiirada iyaga ayaa siinaya mushaharka iyo dhaqaalaha ay dalka lagu hor marinayo.
Haddii aad og tihiin iyo haddii kaleba maanta dalka waxaa maamula Itoobiya dhulka Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya waxay ka baadhaan shidaal. Cidda baaraysana waxaa heshiis la soo gala Itoobiya iyo Kenya, marka ma idinla tahay in ay Soomaali u baarayaan shidaalka? Dawladda hadda la dhisayo ee maqaar saarka ah sidii kuwii ka horreeyey waxay noqonaysaa dawlo toos amar loo siiyo oo aan ka hadli karin qalad kasta oo ummadda loo geysanayo.

Waxaa ka mid ah qodobada lagu soo gaaray Istambuul in ruuxii carqalad geliay geedi socodka raodmapka tallaabo laga qaadayo oo xabis la dhigayo, wayna caddahay in haddii uu qatar weyn keeni karo la dilayo. Kuwa wax ma garatada ahina way u sacabiyeen qodobkaas oo ah mid iyaga lagu dilayo.

qodobka 1aad. Ula jeedada shirka loo qabtay.1. The Second Istanbul Conference on Somalia, under the theme “Preparing Somalia’s Future: Goals for 2015,” took place on 31st May and 1st June 2012. Maintaining the multi-dimensional and multi-layered approach of the first Istanbul Conference in 2010 on Somalia, it was attended by high level representatives from 57 countries and 11 international and regional organizations, as well as by the TFG leadership, the regional administrations, and representatives from wide-ranging segments of Somali society, including youth, women, business community, elders, religious leaders and the Diaspora.

Sida ka muuqata qodobkan waxaa shirka looga talo galay in lagu gorfeeyo sida ay Soomaaliya ahaan doonto wixii 2015 ka dambeeya. Shirka loogama hadlin sidii dawladda rasmiga ah ee la sheegayo loogu dhisi lahaa loona caawin lahaa sidii ay dalka u hana lahayd. Waxaa kale oo muuqata in ay doonayaan in ay dhex galaan shacabka Soomaaliyeed ilaa iyo heer qoys arrinkaasna waxaa u xaq leh dawladda Soomaaliyeed ee dad ajnebi ahi uma laha xaq in ay ilaa iyo xadkaas shacabka gacantoodu gaadho.

Qodobka 2aad.

HORUDHACA SHIRKA
2. The Conference reaffirmed its respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia. It agreed that for genuine peace to take hold in Somalia, Somali people should seek dialogue, reconciliation and political cooperation including in establishing inclusive, accountable and legitimate governance. The Conference is grateful for the wide-scale and strong Somali participation, including women, in this Conference, and the powerful and meaningful messages they have pronounced.

Haddii aad eegto qodobka intiisa hore waa hadal macaan oo qofka Soomaaliga ahi u riyaaqayo, hase yeeshee qodobka intiisa dambe waxay xilka saarayaan in Soomaalidu wada hadlaan oo ay heshiiyaan gacanna ka geystaan in ay dhistaan dawlo lala xisaabtami karo haysatana sharciyada ah in ay dalka xukunto. Qodobka intiisa ugu dambaysa wuxuu ku ammaanayaa Soomaalida sida wanaagsan uga soo qaybta gashay ee rag iyo haweenba leh ee fikradahooda ka dhiibtay.

Qodobkan cilladiisu waa sidatan. Gaaladan waddanka ku soo duushay ee danta ka leh ayaa horay u diiddanayd in ay Soomaalidu heshiiso, haddana diiddan. Iyaga ayaa kala qoqobay oo ku magaacaabay maamul goboleedyo iyo federaal si aynu u sii kala fogaanno waayo kala qaybintu markii ay sii badato kala tegidda ayaa fududaanaysa. Meesha cilladdu ku jirtaana waa meeshaas oo heshiiska ay sheegayaan markii ay iyagu dhiciseeyaan ayay odhanayaan dawladdu xilkeedii dib u heshiisiineed way ka soo bixi weydey ee mid kale oo tan ka fiican ayaan idiin dhisaynaa 2015ka ka dib.

Waxaana abuurmaya intaas ka hor maamul goboleedyo kale oo Itoobiya ka shidaal qaata. In kasta oo sharciga ay samaysteen lee yahay xuduudda sida ay yihiin lagama beddeli karo haddana waa been oo waxaa nala gaadhsiinayaa in Somaliland dhahdo waxaanu raacaynaa Itoobiya Puntlandna sidaas oo kale dhahdo maamulka hadda laga abaabulayo gobolada dhexena sidaas oo kale. Maamul goboleedyada kale ee koonfurtuna waxay raacayaan Kenya. Marka waxaa la noqonayaa dawlado midoobay sidaa ayaa xuduuddu isu beddeli doontaa.

Qodobka 3aad.3. The Conference noted that at this critical period in Somalia’s history, the security, political, social and economic achievements of the past year have given Somalis and the international community a renewed hope for the future. Somalia has made considerable progress towards achieving stability, security and reconciliation: this opportunity should not be missed. The Conference emphasized that August 2012 is the beginning of a new phase of peace-building, in which all Somalis would contribute to peace and have their voices heard.

Haddii aad u fiirsataan qodobkan waxa ku dhigan oo dhammi waa been aan raad lahayn. Jebinta xooggagii Ashabaab miyaa ah stability iyo rajo, sow waayo arag kuma nihin Talabaanka Afqaan iyo Al-Qaaciida oo intaas oo sannado ah si toos ah awoodaha ugu sarreeya aadamigu ay dagaal toos ah kula jireen oo waxba laga qaban kari waayey. Haddii ay dalka oo dhan la wareegaan oo ay Shabaabtu ku jiraa ku dhufo oo ka dhaqaaq lama helayo deganaansho iyo kala dambayn. Dawlado dal haysta oo xooggan ayaa koox mucaarad ahi afgembiyaan ma u daahi doonaan dawlad booc booc ah in ay sii taagnaato haddii ay ka hoos jiraan carqalad? Waa maya jawaabtaydu. Sidaas darteed qodobkan gebigiisuba waa been ilaa la sugo.

Qodobka 4aad.
4.The Conference highlighted that primary responsibility for establishing a political solution in the country lies with Somalis. The role of the international community is to support Somalis to provide leadership and ownership in rebuilding a functioning state and local governments that can provide
security, ensure the rule of law and respect for human rights, provide basic social services and create an enabling environment that allows for economic opportunity for all its citizens.

Qodobkan waxaa ku dhigan hadallo loogu talo galay in Soomaalidu u soo joogsato lagauna khawaysiinayo kana soo hor jeeda taariikhda aan maqaalkan ku bilaabay. Soomaaliya maanta waxaa ku dhex jira gacmo ajnebi ah oo wada doonaya in aanay Soomaali degin sida kor ku xusan. Marka haddii ay haddana ku sii wadaan in aanay degin xilka gaarka ah ee la saarayo Soomaalidu waa khayaamo iyo dhagar. Ma jirto mana imaan doonto dawlad Soomaaliyeed oo dib u dejisa ummada iyada oo quwado ajnebi ah oo weliba ummadda u ah cadaw ay dalka haystaan kana taliyaan.

OMER SULEIMAN ALI

Comments are closed