Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isku soo sharaxay Qabashada Xilka Madaxtinimo ee Galmudug
7,June.2012
Gaalkacyo-hobyonet)Munaasabad balaaran oo uu isku soo sharxayay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug C/samad Nuur Guuleed ayaa maanta ka dhacday Magaalaada Gaalkacyo.
Munaasabadani oo a heyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro,Xildhibaano,Culuma’udiin,Odayaasha Dhaqanka,Dhalinyaro ,Haween iyo marti sharaf kale,waxaana ay ka dhacday Hotel Embassy oo ku yaala bartamaha Magaalaada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed maxamuud Xasan (Axmed baasto) oo ugu horayn ka hadlay Munaasabadda ayaa ku amaanay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug howsha fiican ee uu u qabtay Shacbiga Galmudug mudadii uu xilkaas hayay,wuxuuna u rajeeyay inuu noqdo qofka ku guulaysan doona Madaxtinimada Maamulka Galmudug.
Axmed Baasto ayaa ku tilmaamay C/samad Nuur Guuleed shakhsi markasta daacad u ahaa Shakhadiisa islamarkaana u soo dhabar adeygay mudadii uu Maamulka ku jiray marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray.
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug,Culama’udiinka iyo Haweenka oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inay si weyn ula shaqaynayaan Musharax C/samad Nuuur Guuleed hadii loo doorto xilka Madaxweynaha Galmudug.
C/samad Nuur Guuleed oo gabagabadii Munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Dhamaan dadkii ka soo qaybgalay Munaasabadda ,isagoo sheegay markii uu la tashaday Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo Qaybaha Bulshada uu Go’aansaday inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha islamarkaana u doonayo in wax ka qabto howlihii qabyada ahaa ee Maamulka galmudug ka dhimanaaa mudadii uu jiray.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuleed oo ah Musharaxa u tagaan Xilka madaxweynaha ayaa sheegay hadii la doorto waxyaaba uu qabanayo inay ka mid tahay Dhismaha Ciidamo Xoog leh oo suga Amaanka Galmudug ,Balaarinta Maamulka,Adegyada Bulshada,Maamul wanaag iyo Dib u heshiisiin.
Wuxuuna balan qaaday inuu soo dhisi doono xukumad tayo leh oo wax ka qabata Dhamaan Deegaanada uu ka arimo Maamulka Galmudug,isagoo tilmaamay inuu haysto waayo aragnimo ku filan maadama uu mudo dheer ku jiray arimaha Maamulka xilal kala duwanna ka soo qabto Dowladda Galmudug mudadii ay jirtay ee Lixda Sano ahayd.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in waqtigii Xukumadda iyo Baarlamanka Galmudug ay ka hartay muddo kooban wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Caalin inuu xilka isku soo sharaxo hadii uu doonayo inuu markale u tartamo ,wuxuuna ku eedeeyay Madaxweynaha inuu iska indho tirayo Waqtiga uu xilkiisu ku egyahay oo uu sheegay inay tahay Bisha August ee Sanadkan 2012.
Sikastaba ha haatee waxaa soo badanayay Bilihii la soo dhaafay Musharixiin aad u badan oo u taagan xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug Doorashada Bisha August ee Sanadkan,inakasoo dhawaan Madaxweyne Caalin uu sheegay inuu xilka ka dagi doono Bisha Febrayo ee Sanadka 2013 waqtigaas oo uu sheegay inuu xilkiisu ku egyahay ayaa hadana waxaa Magaalada Gaalkacyo ka socda qaban qaabada Doorashada Bisha August ee Sanadkan la qaban doono.
Burhaan C/laahi Xaashi
Burhaan712@hotmail.com



Recent Comments