|

Marekanka:”abaal marin ayuu helaa qofkii soo far muuqa Madaxda Al shabaab”

Washington-hobyonet)Dowladda Maraykanka ayaa ballaayiin dollar dul dhigtay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Lacagahaan oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka, ayaa waxa 33-Milyan oo dollar-ka maraykanka ah lagu bixin doonaa ciddii keenta xog la xiriirta halka ay ku sugan yihiin 7-da hoggaamiye ee ugu sareeya Xarakada Al Shabaab

Hoggaamiyaha ugu sareeya Al Shabaab Sh.mukhtaar c/raxmaan (Abuu Zubeer) oo ka mid ah aas aasayaasha Shabaab ayaa waxa uu Maraykanka dul dhigay lacag gaaraysa ciddii keenta warbixinnada la xiriirta halka uu ku sugan yahay in lasiin doono 7-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

Sidoo kale Ibraahim Xaaji Jaamac oo ka mid ah aas aasayaasha xarakada Al Shabaab, Fu’aad Max’ed Khalaf oo isna ah Madaxa Maaliyadda Al Shabaab, Taliyaha Ciidamada Militariga Al Shabaab Bashiir Max’ed Max’ud iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa la dul dhigay lacag gaaraysa Min 5-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

Dowladda Maraykanka ayaa waxa ay abaal marrin gaaraysa Min 3-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah ku bixin doontaa qofka keena macluumaadka la xiriira halka ay ku sugan yihiin Sakariye Ismaaciil Axmed Xersi oo ah Madaxa Sirdoonka ee Shabaab iyo C/laahi Yare oo isna ka tirsan Saraakiisha Al Shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa sanaddii 2008-da ku dartay Al Shabaab Liiska Aargigixisada Caalamiga ah, iyadoo waqtigaasi lagu soo rogay cunna-qabateyn dhinaca Maaliyadda, safarada iyo iyadoo xayiraad lagu sameeyay dhamaan deegaannada ay ka Maamulaan ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed