AMISOM oo mar kale ku celisey inay maalmaha soo socda la wareegeyso degmooyin Shabeelaha dhexe ka tirsan
Muqdisho-hobyonet) Ciidamada Midowga Africa ee jooga Somalia ayaa mar kale ku celiyey inay gacanta ku dhigayaan degmada Balcad ee ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe kadib markii ay dhowaan la wareegeen magaada Afgooye uu muhiim u ah isu socodka iyo isku xirka gobolada ugu muhiimsan ee koofureed.
Taliye ka tirsan ciidamada AMISOM oo shalay war baahinta kula hadalay meel u dhaw degamada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa tilmamay in howlgalkoodii ay ku qabsanayeen magaaladaasi uu ku dhamaaday si wanaagsan ilamarkaana ay hada ku wadjahan yihiin magaalada Balcad iyo magaalooyin kale oo ku yaala inta u dhaxeeysa Baydhabo iyo Afgooye.
Sarkaalkan AMISOM ka tirsan waxa uu tilmaamay in ay xooga sari doonaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Balcad iyo deegano kale oo uu sheegay in ay qeyb ka tahay howlgalka ay AMISOM ku doonayso in ay dalka ku qabasato.
Hadlka ka soo yeeray sarkaalkan ka tirsan AMISOM ayaa imaanaya waqti ay Miwowga Africa dhwaan shaaciyeen in ay jiraan caqabado dhanka saadka ah oo wali hortaagan ciidamada Africanta ah ee kusugan dalka Soomaaliya islamarkaana gacanta siinaya dowladda KMG ah.
Magaalada Balcad ayaa ah magaalada ugu soo horeeysa ay dhanka Waqooyi ka xigta magalada Muqdisho hadii ay gacanta ku dhigaana AMISOM waxa la sheegayaa in ay suurta gal u noqondoonto in ay la wareegaan magaalo madaxda gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.
Sikastaba waa jira dad badan oo shaki ka muujinaya howlgalada AMISOM iyo ciidamada dolwadda KMG Soomaaliya ay wadaan madaama la sheegay in aanu si rasmi ah u qaxiijin amaanka inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka dhacaan weeraro lagu qaado gaadiidka dowladda ee u kala goosha Afgooye iyo Muqdisho.
www.hobyonet.com



Recent Comments