Bandow caawa lagu soo rogey degmada Afgooye kadib qaraxyo xaley halkaasi ka dhacy
Afgooye-hobyonet) Wararka ka imaanaya magaalada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa seegaya in caawa halkaasi ka jiro Bandoow ay so rogeen maamulka DKMG oo dhowaan halkaasi kala wareegey xarakada al-shabaab oo sanado halkaai maamuleysey.
Bandowga caawa halkaasi lagu soo rogey ayaa daba socdey markii maanta halkaasi Howgal ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa nabad sugidda ka sameeyeen degmada Afgooye kaaasi oo saameeyey dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee gobolkaasi Sh/hoose.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee howlgalkaas hogaaminaysay ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi Ciidamada Dowladda ay ku soo qab qabteen in ka badan 15 ruux oo qaarkood lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab oo dhawaan lagala wareegay degmadaasi halka kuwa kale lagu eedeyeey inay ka dambeeyey Qarax habeenkii xaley ka dhacay gudaha Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ah degmo muhiim u ah isku xirka gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi weli ka jira dhibaatooyin amaan daro iyo weeraro dhex mara ciidamadii xarakada al-shabaab oo weraro gaado ah kusoo qaada xarumaha ay ciidanka dowladda kaga suganyihiin halkaasi.
www.hobyonet.com



Recent Comments