|

Denmark iyo Germany oo guulo muhiim ah ku bilaabay Uero 2012

Sports-hobyonet)Xulalka kubadda cagta ee Denmark iyo Germany ayaa guulo ka gaaray kulamada ugu horeeyey ee Group-kooda B, markii si isku mida ay uga kala badiyeen xulalka Netherkand iyo Portuqal.

Xulka Dansh-ka ayaa la yaab iyo lama arkaan ku dhigey dhigiisa Netherland ciyaartii ugu horeeysey ee Groupkooda waxaana ay kaga adkaaadeen 1-0 taasi oo dad badani ku noqotey lama filaan maadaama Holand ay ugu oreysey dalalka loo saadaalinayo inay tartanka ku guuleysan kareen.

Xulka Orenge lagu naaneeyso ee Holand ayaa garoonka lasoo galay kubadihii baaska ahaa ee ay ku can bexeen, waxayna kubaddu wareejinayeen ilaa 20 daqiiqadood,taasi oo aysan ku guuleysanin inay goolka Denmark ka dusiyaan.

Xulka Denmark ayaa 24-daqiiqo markey saacadu gaartay heley fursan qaali ahayd taasi oo uu gool u sarifey weeraryahanka lagu magacaabo Krohn-Dehli,halkaasi oo xulkiisu hogaanka ugu qabtey 1-0.

Xulka Holand oo lagu xusuusto kama danbeystii world Cup 2010 ee South Africa oo ay kaalinta 2-aad galeen ayaa waxaa ay isku dayayeen inay helaan goolka bareejada qeybtii hore ilaa dhamaadka waxaana fursado ka qasaariyey Aren Roben oo birta garaacay,sidoo kale weeraryahanka gool dhalinta Premier League soo qaaday ee Arsenal u dheela R.Van Persia ayaa dhowr gool heley mana uusan ka faaideysan,Huntelaar oo bedel lagu keenay ayaa fursad dahabi ah qasaariyey,markii la siiyey kubadd isaga iyo goolka ah, si kastaba Denmark ayaa 1-0 guusha kula hoyaaday.

Dhinaca kale weeraryahanka xulka germany iyo kooxda Bayer Munich Mario Gomez ayaa daqiiqadii 72-aad ka fujiyey xulkiisa Germany markii goolka kaliya ee ay ku dharbaaxeen Portuqal uu madaxa ugu dhaliyey.

Xulka Portuqal ayaa isku dayey inay weeraro culus ku qaadaan shabaqa Germany, laakiin daafac ayaa loo xirtey taasina Germany oo ugu hanashada badan koobkan ayaa guul ay u horseeday inay 1-0 ku dhameeystaan.

Group-kaan oo lagu tilmaamay Group of Death ama Groubkii dhimashada ayaa waxaa iminka hogaanka wadaaga labada xul ee Germany iyo Denmark oo min 3 dhibcood ku horkacaya,waxaana min eber leh Portuqal iyo Netherland.
Caawa waxaa jira labo kulan oo mid ka mid ah si weeyn loo sugayo waana Spain iyo Italia oo Group C ay wadaagaan Ireland R. iyo Croatia.

by zaciimka Sports writer

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed