|

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo kulamo la qaatay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Ximan iyo Xeeb

10 May,2012
Gaalkacyo-hobyonet)Mas’uuliyiin uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Xasan Maxamuud Hayl oo maalmihii la soo dhaafay Socdaal kujoogay Magaalada Galinsoor ee Gobalka galguduud ayaa kulamo la qaatay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Kulanka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalada Galisoor iyo Cadaado sida uu Hobyonet u sheegay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamuud Guure Guuleed oo ka mid ahaa Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug ee kulamada la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee cadaado.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ayaa sheegay in Odayaasha Ximan iyo Xeeb ay kala hadleen sidii loo soo afjari lahaa Colaada u dhaxaysa dadka Walaalaha ah ee wada daga Gobalka Galguduud iyo sidii looga hortagi lahaa Maleeshiyaadka inta badan Colaada ka dhex abuura Beelaha Walaalaha ah ee ka soo kala jeeda Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Maxamuud Guure Guuleed ayaa intaas ku daray in la isku afgartay waxyaabihii laga wada hadlay islamarkaana kulan kale ay wada yeelan doonaan Odayaasha laba dhinac iyo Maamulada Galmudug iyo ximabn iyo Xeeb si loo soo afjaro Dagaalada ku soo noq noqday Gobalada Mudug iyo Galguduug oo Nabad loo dhex dhigo Beelaha Walaalaha ee dirirtu u dhaxayso.

Kulamada ay wada qaateen Mas’uliyiinta Maamulka galmudug iyo Odayaasha Ximan iyo Xeeb ayaa ku soo aadaya xili Maamulka Galmudug ay dhawaan magacaabeen Gudiga Balaarinta Galmudug.

Www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed