|

Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Maxamuud Cabdi Cilmi oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay

10 May,2012

Gaalkacyo-hobyonet)Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Maxamuud Cabdi Cilmi (Timakalajeex) ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gaobalka Mudug.

Soo dhawaynta Musharaxa ayaa waxaa ka qaybgalay Culma’udiinka Ahlu Sunna waljameeca ee Gobalka Mudug,Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Mudug iyo ku xigeenkiisa,Odayaal Dahqameed,Ururka Haweenka Galmudug Aqoonyahano iyo waxgarad iyo Dad aad u badan,waxaana Mushraxa Maxamuud Cabdi Cilmi markii la soo dhaweeyay kadib uu Shirjaraaid ku qabtay Guriga uu Magaalada Gaalkacyo ka daganyahay.

Waxa uu sheegay hadii loo doorto Madaxweynaha Galmudug inuu wax wayn ka qaban doono Amaanka iyo Xoojinta Ciidamada Galmudug isagoo balan qaaday in Ciidamada ay heli doonaan Mushaar ku filan iyo tababaro kor u qaadaya Aqoontooda ,sidoo kale waxa uu balan qaaday inuuu wax ka qaban doono Waxbarashada iyo Hormarinta Reer Miyiga.

Maxamuud Cabdi Cilmi (Timakalajeex) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in hadii la doorto uu Deegaanada Galmudug ka saari doono Dadka aan taabacsanayn Culimada Suufiyada,wuxuuna wararkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad midna lahayn.

Ugu danbayntii Maxamuud Cabdi Cilmi (Timakalajeex) ayaa balan qaaday inuu midayn doono Shacbiga Galmudug islamarkaana uu sii laba labi doono Dadaalkii Xukumadihii hore ee Galmudug.

Soo dhawaynta maanta loo sameeyay Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Maxamuud Cabdi Cilmi (Timakalajeex) aya awaxa ay ku soo beegmaysa xili si weyn Magaalaada Gaalkacyo looga hadal hayo Doorashada Bisha August ee Sanadkan.

Www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed