Madaxweyne Shariif oo maanta booqasho aan la shaacin ku tegey Afgooye
Afgooye-hobyonet)Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa booqasho waxa uu maanta ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose halkaasi oo Ciidama AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab.
Gelinkii dambe ee maanta ayaa Madaxweynaha waxa uu ka ambabaxay Magaalada Muqdisho iyadoo ay u tahay markii labaad ee uu halkaasi gaaro tan iyo markii DKMG oo garabsanaya AMISOM halkaasi la wareegeen.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Wasiirka Beeraha Xanaanada xoolaha dhirta iyo Daaqa, masuuliyiin ka tirsan Dowladda, iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qaarkood.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa horay loo sii shaacin waxaa safarkaas lagu sheegay mid uu ugu kuurgalayo Xaaladda ammaan ee gobolkaasi gaar ahaan degmada Afgooye oo dhawaan laga qabsaday ururka Al-Shabaab.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in halkaasi uu kulan kula qaadanayo Saarkiisha Ciidamada, waxgaradka iyo shacabka degmadaasi.
Markii Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay gaareen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa halkaasi waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Saraakiisha Ciidamada ee halkaasi ku sugan sida Abaan duulaha Ciidamada Xogga Dalka C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan, agaasimaha hay’adda Nabad sugidda, Maamulka gobolkaasi iyo qeybaha bulshada degmada Afgooye.
Madaxweynaha ayaa intii uu socdaalayey wadada xiriirisa Muqdisho iyo afgooye aan la kulan wax shaqaaqo ah ama weerar ah oo kaga yimid ururka Al-Shabaab inkastoo la xusuusto safarkii kan koreeyey ee uu ku tagay degmadaasi in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen.
www.hobyonet.com



Recent Comments