Mareykanka”Cunaqabateyn dhinac walba ah ayaanu kusoo rogeynaa cidii carqaladeysa Road Map-ka
Nairobi-hobyonet)Dowladda Mareykanka oo la aamisan yahay inay hormuud u tahay jahawareerka siyaasadeed ee dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan dalka ku yaala geeska Africa ee Somalia, ayaa iminka ku hajabay in cadaadis iyo cunaqabateyn dhinac walba leh,lasaarayo shaqsiyaadkii ama kooxaha kazoo horjeesta in la dhaqan geliyo geedi socodka abadda Somalia ee Road-Mab.
Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee xukuumadda washingto u qaabilsan qaaradda Africa,Johnnie Carson oo shalay booqasho kedis ah ku yimid caasimadda Muqdisho,ayaa markii uu ku laabtey magaalada Nairobi ee xarunta Kenya halkaasi ku qabtey shir-jaraa’id oo uu ku faah-faahinayey booqashada iyo kulamada uu la yeeshey madaxda ugu sareysa ee DKMG,isagoo si weyn ugu amaaney Isbedelka ay ka sameeyeen caasimadda Muqdisho bilihii lasoo dhaafey.
Mr.carson ayaa sheegey in dowladda Mareykanku aysan u dul-qaadan doonin in lacar-qaladeeyo geedi socodka nabadda ee looga gudbayo sida uu yiri waqtiga KMG ah,kaasi oo ku eg bisha Ogoosto ee sanadkaan, wuxuuna cadeeyey in wax waqti ah lagu kordhin doonin jiritaanka DKMG ee iminka jirta.
“Caalamka waxaa ka Go’an meel marinta qorshe howleedka (Road Map) cidii taasi ka hor-imaaneysana waxaa lagu soo rogayaa Cunaqabateyn dhaqaale iyo mid socdaalba, haka mid ahaadeenn DKMG ama shaqsiyaad kale” ayuu raaciyey.
Hadalka Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Africa Johnnie Carson ayaa imaanaya xili maalmo ka hore xukuumadda Washington ay lacago malaayiin Doler dul dhigtey cidii soo sheegta Madax Al-shabaab ka tirsan oo ay magacyadooda soo bandhigeen,waxaaa sidoo kale uu imanayaa xili weli aysan cadeeyn in Howlihii lagu balamay shirkii kal hore ka dhacay London ay hirgeli karaan Ugu dambeyn horaanta bisha sideedaad ee Ogosto.
www.hobyonet.com



Recent Comments