|

Gudoomiye Shariif xasan ” Waa been sal aan lahayn in Xukuumadihii dalka ay lunsadeen dhaqaale intaasi la’eg”

Muqdisho-hobyonet)Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa beeniyey jiritaanka wararka sheegaya in xukuumadihii soo marey DKMG ay lunsadeen dhaqaalle fara badan oo uu lahaa qaranka.

Guddoomiye  Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafadda maanta kula hadlay muqdisho ayaa waxa uu beeniyey in Dowladda KMG ay soo gashey dhaqaallaha la sheegey oo uu xusey inaysan macquul ahayn in qiimahaasi ay heshey DKMG.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan lacagtaasi iyo wax u dhow in aysan soo galin dalka oo laga been abuurnayo dowladda sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay in haddii lacagtaasi la hello laga dareemi lahaa dalka oo aysan jiri lahayn duruufaha haysta dowladda oo ay ka mid tahay mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda.

Sheekh Xasan oo Xildhibaanada barlamanka qaarkooxda ay xilka ka qaadeen ayaa arjo wanaagsan ka muujiyay in Odayaasha xaliyaan waxii khilaafaad ah ee jira guud ahaanba islamarkaana ay soo xulaan dad tayo leh oo ansixiya dastuurka oo uu sheegay in udub dhexaad uu u yahay dowladda rasmi ah.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka oo inta badan xunbaha baarlamaanku xilkiisii shakiga geliyeen ayaa beeneyntiisu waxay imaaneysaa xili dhowaan bangiga aduunka uu shaaciyey in la musuqmaasuqey dhaqaalle badan oo DKMG gacanta loo geliyey.

 

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed