|

Mareykanka oo Pakistaan ka qaatey xubno wadaxaajood u joogey halkaasi

Washington-hobyonet)Labada dal ee Mareykanka iyo Pakistaan ayaa xiriirkoodu u muuqdaa mid sii xumaanaya oo aan cago badan ku taagneyn,kadib markii dowladda washington wada xaajoodayaal ku sugnaa Islamapad ay dib ugala laabatey.

Wada-xaajoodayaasha Mareykanka ayaa doonayey inay pakistaan ka dhaadhiciyaan in la furo goobo xad ah oo Mareykanku doonayey inuu mariyo Sahayda,taasi oo dowladda mareykanka ay dhegaha ka fureysatey,markii ay diidey iney la hadlaaan kooxdaasi Mareykanka ah.

sababta ay dowladda pakistan uga maagtey inay wada hadal ku saabsan furitaanka xadka la sameyso Mareykanka ayaa ah in diyaaradaha Nato ee mareykanku hormuudka u yahay ay duqeyn ku dileen ilaa 24-askeri oo dalkaasi u dhalatey, halkaasi oo xukuumadda Islamapad ay aad uga xumaatey.

Mareykanka ayaa si aan naxariis badan lahayn uga tacsiyeysay geerida 24-kaasi Pakistaaaniyiin ee ay dishey,mana jirin wax cudur daar ah oo ay sameysey,taasi oo aan qancin Islamapad,waxaana iminka jirta in Mareykanku uu ku hanjabo inuusan u dulqaadan doonin dhega=adeyga xukuumadda Islamapad.

Jorge Little oo ah afhayeenka xafiiska gaashaandhiga mareykanka ayaa sheegey ineysan u muuqan in pakistaan ay aqbasho wada-xaajoodka sidaasi darteed ay dib ugu yeerteen Wadaxaajoodayaasha mareykanka kuwa iminka ku harey pakistan ay soo laabanayaan.

Mareykanka oo hormuud u ah ciidamada Nato ee ku sugan Pakistan ayaa had iyo jeer isticmaala duqeeyn aan loo meel dayin taasi oo keenta dhimashada muwaadiniin Pakistaaniyiin ah, waxaana xusid mudan in Mareykanku duqeeyn uu ku diley hogaamiyihii Al-qaacidah Sheekh Usaama bin-laden iyo saraakiil kale taasi oo xukuumadda Islamapad sheegtey inaan looga amar qaadan.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed