Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamig ah ee Galmudug oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
12 May,2012
Gaalkacyo-hobyonet)Iayadoo 2dii Bisha June Magaalada Istanbul ee Caasimadda Dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyay Shir looga hadlayo Arimaha Soomaaliya ayaa halkaas waxaa kulamo ku qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ee Galmudug Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Magaalada Istanbul kulan kula qaatay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon,waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen Xaaladda Soomaaliya iyo sidii kaalmo ay Qaramada Midoobay u gaarsiin lahayd Degaanada Galmudug.
Maxamed Cali Nuur Xaaji Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ee Galmudug oo Shabakadda Hobyonet la hadlay ayaa sheegay in sidookale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ayna isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Maamulka Galmudug State ayaa si weyn uga dhex muuqday Sanadihii la soo dhaafay Masraxa Siyaasadda iyo Shirarka loo qabanayo Soomaaliya waxaa mudooyinkii la soo dhaafay Mas’uuliyiinta Maamulku ay kulamo la qaadanayeen madax Sar Sare oo Qaramada Midoobay iyo Dowladaha waa weyn ka tirsan.
Www.hobyonet.com



Recent Comments