|

Ciyaartoyda orodada Somaliyeed oo isu diyaarinaya tar tanka Olombikada Aduunka

Muqdisho-hobyonet)Ciyaartoyda Soomaalida ee Orodada ah ayaa bilaabay inay isu diyaariyaan Tartanka Olombikada Aduunka ee bishan Agosto ee sanadkan 2012 ka furmaya Magaalada London, iyadoo ciyaaryahanada ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho.


Diyaar garowga ciyaaryahanadan ayaa ah mid galab walba laga dareemo wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo ku garab odaya wadada xilli ay ku jiraan tababarkooda.
Tababarka ciyaartoydan oo ka socda Garoonka ay rasaasta ka muuqato ee Stadium Conis, waxaa ku yaala qori Baazuuke ah xabadiisa, meel gees ah, hase ahaatee taa ma aanay muujinayaan wax cabsi ah.
Ciyaarayahanka uu hamgiisa sareeyo Maxamed Xasan Maxamed oo orodada dhaa dheer ka qeyb qaata ayaa sheegay inay isku dayi doonaan in guulo ay soo hoyaan.
Ma jirto wax niyad jab ah oo ka muuqda ciyaaryahanada, hase ahaatee waxaa wali maskaxdooda ka go’in geeridii naxdinta laheyd ee 4-tii April ee Gudoomiyihii Xiriirka Olimbikada Soomaaliyed Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Gudoomiyihii Xiriirka K/cagta Soomaaliya Saciid Mugaambe oo labadaba ku geeriyooday weerar is qarxin ka dhacay Tiyaatarka.
Sanad ka hor garoonka Conis Stadium ee muqdisgho waxaa uu saldhig ciidan lagu tababaro u ahaa AlShabaab, iyadoo jimicsiga halkani looga baahan yahay ciyaartoyda inay ku dhex ordaan wadooyinka rasaastu ka dhex dhacdo ee Muqdisho oo ah magaalada ugu qatarta badan caalamka

Recent Comments

    Comments are closed