|

Madaxweene Shariif”waan kuxuamahay kabixitaanka ithopia deegaanada Galgaduud iyo Hiiraan katirsan “

Afgooye-hobyonet)Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay ka bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee deegaano ka tirsan G.Galgaduud, isagoo cadeeyay in aanu jecleyn inay arrintaas dhacdo.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay degmada Afgooye, waxana mar la weydiiyay su’aal aheyd in Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen, Shabaabna ay dib u qabsanayaan deegaanadii horay looga qabsadaya ayuu madaxweenuhu kujawaabay.

In uu kaxunyahay in Al shabaab markale halkaasi lawareegaan hase ahaatee aan loo qaadan Karin awood markale ay kuqabsanayaan shabaabku deegaanada xoogga looga saaray sida uu yiri.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay degmada Ceelbuur oo labo bilood ka hor ay la wareegeen, iyo deegaano kale, iyadoo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen.

Dad badan ayaa aaminsan in tallaabada Ciidamada Itoobiya uga baxeen Ceelbuur, Wabxo iyo degmada Maxaas in ay kadanbeyso khilaaf ahlusnna dhex deeda ah

Al-Shabaab ayaa ku furnaa culeysyo milateri saddex geesood ah oo ka kala heystay Gobolada Koofur, Galbeed, iyo Bartamaha, halkaas oo Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay Gobolada ku soo baacsanayeen , halka Ciidamada AMISOM iyo TFG-da ay Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka sii riixayeen.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed