Rabshado iyo dagaalo dad ay ku dhinteen oo Libya ka dhacay
Tripole-hobyonet) Wararka laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya in isku dhacyo ka dhacay galbeedka iyo koonfurta wadankaasi ay ku dhinteen in kabadan 15 ruux xili ay dowlada KMG ah ee dalkaasi la xarbinayso sidii ay amaanka dalkaasi ugu soo celin lahayd.
Dagaaladani ay ku dhinteen dadka ayaa u dhaxeeya beelo wada daga galbeedka iyo koonfurta dalkaasi Liibiya kuwaasi oo la sheegay inay halkaasi ka socdeen 48 dii saacadood ee ugu danbeeyay.
Dibad baxyo ay ka qayb qaadanayaan dad aad u badan oo Liibiyaan ah ayaa Arbacadii ka dhacay dalkaasi Liibiya magaalada Banghazi ee bariga dalka Libiya kuwaasi oo ka cabanayay xaalada amaan daro ee ka ku soo korortay dalkaasi isla markaasina dalbanayay xalka kooxaha Malayshiyaadka ah ee aagaasi ku soo badanayay sida ay sheegayso wakaalada wararka ee dalka Liibiya ee LANA.



Recent Comments