|

TAARIIKHDA SALDANADA TUNNI SHAN-GAMAAS

Halkani waxaan idiinku soo bandhigayaa tixane ah taariikhda Saldanada Tunni- Shan Gamaas,Labada Tol iyo Tunni-Toore.

Waqtiyo lagu qiyaaso  200 ilaa 300 sanadood xilligii Isticmaarka ka hor, xilligii isticmaarka ,xilligii gobanima doonka iyo kii xorinimada iyo wixii ka dambeyey. Taariikhdan oo ah mid kooban oo nuxurkeeda wadata. kana hadlaysa heerarka ay soo martay Saldanada Tunni .

Sida taariikhda laga  soo weriyey Saldanada Tunni-Shan Gamaas inay hayeen hogaankeeda reer Awiise laga soo bilaabo qarnigii 18aad ilaa qarnigaan aan ku wada jirno.Buugaag fara badan baa lagaga  hadlay Taariikhda Tunni iyo Maamulkeeda iyo salaadiinteeda.laakiin waxaan  tusaale ahaan idiinkaga soo qaadaneynaa buuga uu qoray Lieutenant W. Christopher buugiisa,”The Journal of Royal Geographical  Society of London“  uu kaga hadlaayay meelo badan oo dhulka koonfurta Soomaaliya, qeybo badana uu kaga hadlay Saldanada Tunni Shan-Gamaas. isagoo ah qoraaga inuu la kulmay Suldaan Xaaji Awiise.Hadaan Taariikhda gadaal uugu noqono  sanadku markuu ahaa 1884kii inuu W.Christopher la kulmay Suldaan Xaaji Awiise isagoo warqad ka watay Imaamka Zanzibaar Imaam Saciid Saciid uu warqadaa ku socotay Suldaanka. Taasoo inoo muujinaysa in Suldaanka xiriirkiisa diplomaasiyadeed ay aad u sareysay. xiriirka gudaha iyo dibada labadaba, isagoo xusay inuu suldaanku watay seef aad u qurux badan, habka iyo maamulka , dhaqanka iyo dhaqaalaha iyo sidii loo soo dhoweeyey.

Hadaanu ku bilowno xilligii Saldanada uu haayey Suldaan Xaaji Awiise, waxaa la soo weriyey inuu beesha ku hogaamin jiray maamulkiisa xikmad, garsoorid iyo xilkasnimo. Markii uu geeriyooday Suldaan Xaaji Awiise.    waxaa durbadiiba talada Saldanada la wareegay wiilkiisa Suldaan Faqi suldaan Xaaji Awiise, Aqoonsi fiican ay ku lahayd dhinaca Imaamka Zanzibaar iyo Dawlada Boqortooyada Talyaaniga iyo xilligii Isticmaarka. Ka dib, markii uu geeriyooday  Suldaan Faqi  Suldaan Xaaji Awiise taariikhdu markay ahayd 18kii bisha Oktoobar sanadkii 1949kii, isla waqtigaa markii geeridii Suldaanka la maqlay Boqortooyada Talyaaniga waxay soo dirtay warqad Tacsi ah   . Iyadoo ay ku lifaan tahay sawirka hoostiisa.

Ka dib,markii uu geeriyooday suldaan Faqi xaaji Awiis bisha Oktoobar sanadka markuu ahaa 1949kii,waxaan isla markiiba  xukunka maamulka Saldanda iyoBeesha hogaankeeda la wareegay Wiilkiisa oo la oran jiray  Suldaan Sheegow Xaaji Awiise  oo sawirkiisa halkan aan ka muuqan.
Ka dib, sanadka markuu ahaa 1984kii  markuu geeriyooday Suldaan Sheegow Xaaji Awiise, waxaa maamulka iyo Hogaanka Saldanada loo caleemo saaray Suldaan Cumar Suldaan Faqi Xaaji Awiisa oo ahaa walaalkiisa ka yaraa

oo wax qabadkiisa aad iyo aad u sareysay kana shaqeeyey isku xirka Beesha Tunni-Shan Gamaas iyo dadyowga la degan degaanka Isagoo ku soo dabaalay xiriir wanaag ,iskaashi , wada tashi , kalsooni ,isxaq dhowr iyo isqadarin joogta ah.Taasi oo u ogolaatay in  uu doorweyn ka ciyaaro Horumarinta beesha dhinacyo kala duwan sida siyaasada,dhaqaalaha,  Nabadgelyada,arrimaha bulshada iyo adeega guud, isagoo marwalba ku boorin jiray dhalinyarada beesha inay  waxbarashada ku dadaalaan iyo taakulaynta dadka danta yar. Isagoo ku caan baxay  inuu ahaa suldaan la socda habka siyaasadeed ee xilligaa jirtay iskuna dayi jiray sidii beesha looga samata bixin lahaa wixii keeni kara dulmi, daandaansi, colaad, iska hor imaad iyo qilaaf joogta ah.Suldaan Cumar wuxuu ahaa qof jecel mabda’a wada tashiga iyo istaakuleynta . beesha  aad u jeclaayeen waxaana lagu Amaanay Xikmad, Xilkas, wada tashi ,gacanfurnaan iyo deeqsi. Isagoo Baal dahab ah ka galay taariikhda beesha Tunni- Shan Gamaas. “Halkaana waxaan ku soo lifaaqnay warqadihii uu uga qeyb galay Suldaan Cumar Faqi Xaaji Awiise

shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Carta-Jamhuuriyada Jabuuti iyo

Kii ka dhacay Nbagathi ee Dalka Kenya.  

 

Ka dib, Markii uu geeriyooday Allaha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Faqi xaaji Awiise waxaa shiray Oday dhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Aqoonyahanada beesha Tunni shan-Gamaas iyo dhanlinyarada  oo laf dhabar u ah bulshada  ee ku sugan dalka gudihiisa iyo waxaa wada tashi lala yeeshay dhamaan odayaasha iyo jaaliyadaha dibad joogta ee beesha.waxaa si wadajir ah oo aan kala reeb lahayn loo go’aamiyey in Saldanada loo caleemo saaro wiilka Suldaan Cumar oo la yiraahdo  Suldaan Xasan Suldaan Cumar  Faqi xaaji Awiis oo ahaa gacan yaraha Suldaanka, loona tababaray maamulka iyo hogaaminta saldanada beesha. Suldaan Xasan oo ay odayaasha dhaqanka beesha, aqoonyahanada  iyo culamaa’ udiinka ay ku tilmaamaan nin Xikmad iyo xilkasnimo aad u sareysa ka muuqata iyo maamul wanaag.

 waxaa jirtay sanado ka dib, in ay soo if baxeen kooxo dibad joog ah oo soo abuubulay inay  carqalad iyo arbushaad ku abuuraan maamulka saldanada ka dibna ay isugu tageen Dalka gudihiisa, wada fadhi markii ay wada yeesheen odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka,aqoonyahanda iyo Xildhibaanada beesha uga wakiilka ah  dowlada kumeel gaarka ee Soomaaliya, waxaa dhacay heshiis iyo sulux dhexmaray Suldaan Xasan Suldaan Cumar iyo Ina adeerkiisa Mudane Faqi sayid Faqi oo lagu heshiiyey  qalinkana lagu duugay. iyadoo la eegayo danaha guud ee Beesha , Suldaan Xasan inuu howshiisa saldanada wato, ina adeerkiisana  Mudane Faqi sayid Faqi uu wakiil uuga noqdo arrimaha dibada iyo Jaaliyadaha Beesha Tunni Shan-Gamaas ee dibad joogta ah.

 

Inj; Maxamed Sheegow Aw-guduud

M.Sheegow@Gmail.com

 

Comments are closed