Xiriirka K/Koleyga Soomaaliyeed oo Furay Tababar Ciyaarta 3on3
Sports-hobyonet) Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa furay Tababar la xiriira ciyaarta loo yaqaano 3on3 oo markii ugu horesay lagu wado in laga higeliyo dalka Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay ujeedada tababarkan Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] oo sheegay in ay doonayaan in Kubadda Koleyga Soomaaliya uu noqdo mid la jaanqaada kan Caalamka, wuxuuna raaciyay ciyaarta 3on3 maadaama ay tahay mid 2011 Caalamka kusoo biirtay dalkanna loo baahan yahay in laga hirgelinayo.
“ Tababarka aad maanta qaadanaysaan waa mid aan dooneyno inuu ka muuqdo hirgelintiisa garoomadeena K/Koleyga, 3on3 waa ciyaar xiiso leh oo ay ciyaari karaan ciyaartoyda cuslaatay iyo kuwa fudud, waana ku tala jirnaa inaan ciyaartoyda cuslaatay la iloobin oo aan u qabano tartan” sidaas waxaa ka dhawaajiyay Guddoomiye Roombo oo ku daray in XSKK ku shaqeyn doono xaalad kasta oo adag isla markaasina u dhabar adeegayo horumarinta K/Koleyga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha K/Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed (Cadaani ) oo ahaa Macalinka casharada 3on3 bixinayay ayaa sharaxay sharuucda iyo qaab ciyaareedka isagoo ka codsaday Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii ka qeybqaadanayay tababarkan inay noqdaan kuwo sii gudbiya wixii ay bartaan.
“Waa ciyaar xiiso leh koox walba waxay la soo shir tagaysaa 4 ciyaartooy 3 dhexda iyo mid keyd ah, waxaa lagu ciyaarayaa qeyb ka mid ah garoonka (Half Court), hal garsoore ayaa qabanaya iyo labo sacad haye (time/score keeper) Haddii ay kulushahay labo garsoore, halkii gool waa hal dhibic (1 point), gool 3 point ahna waa labo dhibcood.” Ereyadan iyo kuwo badan oo la xiriira sharciyada iyo qaab ciyaareedka 3on3 ayuu ka dhawaajiyay Macalin Cadaani.

Si kastaba, furitaanka Tababarkan oo soconaya 12-16/6/2012 ayaa waxaa ka soo qeybagalay mas`uuliyiin ka tirsan XSKK iyo xiriirada hoos yimaada GOS sida – Guddoomiyaha XSKL Prof. Maxamed Cali Caddoow, Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali, Kaaliyaha Xoghayaha guud XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale, Tababarayaal, Garsoorayaal iyo saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed oo kulankan baahintiisa ka qeybqaadanayay



Recent Comments