Al-shabaab” Waxaan dhowaan qabsaneynaa magaalada dhuusa-mareeb”
Ceel-buur-hobyonet)Xarakada al-shabaab oo dhowaan dagaalo aan dhiig ku daadan kula wareegey degmooyin badan oo ay ku jirto Ceel-buur ayaa ku hanjabay inay la areegayaan gacan ku heynta xarunta galguduud ee Dhuusa mareeb.
Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa ku hanjabay inay dhawaan ururka Al-Shabaab ay la wareegi doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Cawaale Maxamed Cali oo meel fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan degmada Ceelbuur ayaa waxa uu sheegay in shacabka degmadaasi looga baahan yahay inay siiyaan taageero dagaal iyo mid dhaqaale sida uu sheegay.
Wuxuu sheegay in qabsashada degmada Ceelbuur muddo kaddib ay timid markii shacabka degmadaasi qaar ka mid ah ay gacan siiyeen maamulkooda wuxuuna intaa raaciyey in loo baahanyahay in sidii oo kale ay u taageeraan shacabka si ay mar kale dib ugu qabsadaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Sidoo kale guddoomiyaha Ururka Al-Shabaab ee Degmada Ceelbuur wuxuu shacabka sidoo kale uga digay inay tagaan goobihii fariisamaha u ahaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ururka Ahlusunna oo ay dhawaan ka bexeen isagoo sheegay in hub haraadi ah oo halkaasi ay uga tageen waxyeello ka soo gaari karto.
Hadalkooda waxa uu imaanayaa iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb maalmihii ugu dambeeyey ay muujinayeen cabsi ku aadan weerar ay halkaasi ku soo qaadaan Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood isaga baxay magaalada.
Dhinaca kale ururka Ahlu sunna oo iminka maamula Magaalada Dhuusamareeb ayaa iyaguna shaaciyey in ay qaadayaan dagaalo ay kala horjeedaan ururka Al-Shabaab kaasi oo ay doonayan inay kaga hortagaan weerarka shabaab sheegeen inay ku qabsanayaan halkaasi.



Recent Comments