Howl gallo dhalin yaro la sheegay in ay katirsanyihiin AL Shabaab lagu soo qabtay oo ciidamada dowladda ay kasameeyeen D.Hurwaa ee Gobolka Banaadir
Muqdisho-hobyonet)Ciidamo katirsan DKMG ayaa howl gallo ay kasameeyeen qaar katirsan xaafadaha degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay kusoo qab qab teen tiro dhalin yaro ah oo la tuhunsanyahay in AL Shabaab ay xiriir laleeyihiin.
Gudoomiya degmada Hiliwaa ee Maamulka Gobolka banaadir Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa hadal uu siiyay warbaahinta sharaxaad kaga bixiyay howl galladaasi iyo dadka ay kusoo qabteen isagoo shaaca kaqaaday in rag katirsan AL Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen sida uu hadalka udhigay.
Dhalinyaradaan ayaa lageeyay Saldhiga degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir kuwaas oo kubiiraya dhalin yaro horay ugu jirtay saldhiga kadib markii ay soo qabteen ciidanka Nabad sugidda degmadaasi iyadoo Gudoomiye Jacfaanna uu sheegay in danbiyadooda lagu qaadi doono dhalintaasi u xir xiran maamulkiisa.
Degmada Hiliwaa ayaa kamid ah Meelihi ugu danbeeyay ee gacan kuheynteeda lagala wareego Xarakada AL Shabaab ee katirsan degmooyinka Gobolka banaadir waxaana kadhaca falal amaanka liddi ku ah oo marar qaar ay kageestaan Rag kulabisan dareeska Ciidamaad DKMG Somalia



Recent Comments