|

Madaxweyne Caalin oo sheegay in uu dhawaan tagi doono Deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe

17 May,2012

Gaalkacyo-hobyonet)Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Galmudug Col,Maxamed Axmed Caalin oo haatan ku sugan Dalka Itoobiya ayaa mar uu la hadlay Saxaafadda waxa uu shaaca ka qaaday inuu dhawaan tagi doono Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya si uu kulamo ula qaato Mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka Gobalka Galguduud.

Col, Caalin ayaa ku sheegay sababta uu dhawaani u tagayo Deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe ee Dalka inay tahay sidii loo balaarin lahaa Maamulka Galmudug State iyo sidii u kulamo ula qaadan lahaa Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee ka arimaya Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa raaciyay inuu rajeynayo Maamuladda ka jira qaybo ka mid ah Gobalka Galguduug inay ka heshiiin doonaan sidii ay Maamulka Galmudug ugu soo biiri lahaayeen dhawaan uu filayo inay bilawdaan wadahadalada u dhexeeya Madaxda Galmudug iyo Maamulada iyo Waxgaradka Galguduud.

Dhinaca kale Madaxweyne Caalin ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay Madaxda ugu sareysa Dowladda Itoobiya ayna ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka u dhexeeya Galmudug iyo Itoobiya uuna rajeynayo in haatan wixii ka danbeeya ay iskaashan doonaan Galmudug iyo Dowladda Itoobiya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Dowlad Gobaleedka Galmudug Col, Maxamed Axmed Caalin ayaa imaanaya Xili dhawaan la filayo in la qabto Doorashada Madaxweynaha Galmudug taas oo waqtiga la qabanayo uu horay uga soo horjeestay.

Burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed