Qarax xoogan oo lala eegtey gaari uu lahaa Nabadoon Axmed Diiriye, qasaare ka dhashey
Muqdisho-hobyonet)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay albaabka guriga uu Muqdisho ka deganaa Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee beelaha Muqdisho Axmed Diiriye Cali halkaasi oo ay dhashey qasaare dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa lala eegtey gaari ay saarnaayeen ilaa 3 ruux kaasi oo la sheegey inuu lahaa nabadoonka,walow aan la hubin inuu isaga ku jirey gaariga, waxaana warku intaasi ku darayaa in gaariga markii uu yimid Ilinka laga galo guriga oo ku yaala xaafadda Xamar Bille ee degmada Wardhiigleey uu qarxay dhawaqiisan laga maqley meelo fog-fog, waxaana la sheegey in 2 ruux oo dhalinyaro ah ay ku jireen gudaha gaariga.
Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muqdisho Maxamed xasan xaad ayaa saxaafadda u xaqiijiyey jiritaanka Qaraxaasi inkastoo uusan sheegin nooca qaraxu uu ahaa, waxaana uu intaasi raaciyey in Nabadoonku uusan la socon gaariga ee wiilasha iyo darawalka wadey ay aadeen guriga oo alaab ay ka doonteen sida uu yiri.
Xaad ayaa sidoo kale sheegey inuusan ogeyn tiro dhimasho halkaasi ka dhalatey,laakiin uu maqley in dhaawacyo halis ay soo gaareen labadii wiil ee gaariga la socotey, uuna maqley in wiilal kale oo ka agdhowaa ay mid uu geeriyoodey.
Dhinaca kale warbaahinta ku hadasha afka xarakada al-sahabaab ayaa sheegtey in gaari ay saarnaayeen ciidamo badan oo TFG-da ka mida ay qarax kula eegteen xaafadda xamar Bille ee degmada wardhiigleey,iyagoo intaasi ku darey in dhamaan ciidankii saarnaa ay geeriyoodeen.



Recent Comments