Dagaal Qasaare gaystay oo ka dhacay Magaalada Hobyo
18 May,2012 Hobyo-Hobyonet) Dagaal sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa Saaka ka dhacay Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.
Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay iska horimaad gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay Kooxo ka wada tirsan burcad badeed Soomaali.
Dagaalka dhexmaray Kooxaha Burcad Badeed ah ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kaddib markii Kooxo ka tirsan burcadda i ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah Isla burcad badeeda, taasi oo keentay in halkaasi uu ka dhaco iska horimaad u dhaxeeya Kooxahaasi.
Hal Qof ayaa ku dhintay labo kalana way ku dhaawacantay Dagaalka dhexmaray Meleeshiyaadka Burcad Badeeda ah,waxaana Dagaalkaasi uu sababay in albaabada la iskugu dhufto Goobihii Ganacsiga ee Magaalada Hobyo.
Mid ka mid ah Dadka ku nool Magalaada Hobyo oo lagu magacaabo Maxmed Nuur ayaa Shabakadda Hobyonet u sheegay in wali ay isku horfadhiyaan Bartamaha Magaalada Hobyo kooxihii Burcad Badeeda ahaa ee Dirirtu dhexmartay.
Mas’uuliyiinta Maagaalada Hobyo oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino Dagaalka Saaka ka dhacay Magaalada Hobyo ayaa ka gaabsaday inay arimahaas ka hadlaan balse waxa ay sheegeen inay Saacadaha soo socda ay Saxaafadda la hadli doonaan.
Wixii ku soo kordha kala soco Hobyonet.com



Recent Comments