|

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galinsoor oo ka hadlay Xaaladda Amaan ee Galinsoor

19 May,2012

Galinsoor-hobyonet)Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galisoor Maxamed Nuur Cigaal ayaa ka hadlay Xaaladda Amaan ee Magaalada galinsoor ee Gobolka Galguduud.

Maxamed Nuur Cigaal ayaa sheegay in Xaaladda amaan ee Galinsoor ay aad u wanaagsan tahay Ciidamada Booliska Galmudug ee Dagmaduna ay waqti kasta Diyaar u yihiin inay sugaan Amaanka Galinsoor.

“Ciidamada boolisku waxay markasta heegan ugu jiraan xoojinta Amaanka waxaaana xaafadaha magaalada habeen iyo maalimba ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka” ayuu yiri Maxamed Nuur Cigaal

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ka hadlay Qof rayid ah oo dhawaan Maleeshiyaad hubaysan ay ku dileen Meel 20KM u jirta Magaalaada galinsoor wuxuuna ku eedeeyay inay dilka loo gaystay Qofka rayidka ah kooxo markasta ku howlan inay iska horkeenaan Beelaha ku abtirsada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb,isagoo baalan qaaday in dhinacooda markasta ay Nabadda adkayn doonaan oo ay hor istaagi doonaan cidkasta oo doonaysa inay Nabadda carqaladayso.

Maxamed Nuur Cigaal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galisoor ayaa sidookale ka hadlay Xaaladda Waxbarasho ee galinsoor taas uu sheegay inay aad u wanaagsan tahay islamarkaaana ay haatan ku soo badanayaan goobaha wax lagu barto.

Sikastaba ha ahaate Magaalada Galinsoor ee Gobalka Galguduud waxaa bilihii la soo dhaafay laga dareemayay hormar dhinaca Amaanka,Waxbarashada iyo Caafimaadka ah waxaana magaaladu ay ka soo kabsanaysaa Dagaaladii sokeeye ee mudo sanado ka hor ah ka dhacay.

Www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed