Iiraan-iyiin looga shakiyey argigixisinimo oo lagu qabtey gudaha dalka Kenya
Nairobi-hobyonet)Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay maanta oo jimca ah in ay xireen labo qof oo u dhalatay dalka Iran kadib markii ay ku qabteen iyaga oo wata waxyabaabo Kimicalis ah oo la tuhunsanyahay in ay u isticmaali rabeen qaraxyo ay ka geeystaan gudaha magaalada Mombasa, halkaasi oo waqtiyadii u danbeeyay ay ka dhacayeen weeraro qaraxya ah oo is xig xiga.
Booliska ayaa labadan qof ee Iran u dhashay ku xiray Magaalada Nairobi Arbacadii, iyadoo islamaalintaasina uu boolisku sidoo kale gacanta ku dhiga Kontenar gudaha magaalada Mombasa kaasi oo asal ahaan laga keenay dalka Ciraaq waxaana la tuhusan yahay in ay ku jiraan waxyaabaha qaraxa.
Khamiistii waxaa la sheegay in midka mid ah dadka la tuhunsanayahay ee gacanta lagu hayo loo duuliyay magaalada Mombasa isaga oo ay la socdaan booliska si qaado 15-kg oo budo ah oo ay qubarada Ammanka u qaadeen sheybaar si loo soo tijaabiyo.
“Si wanaagsan ayay noola shaqeeyeen. Waxa ay nasiiyeen warbixin muhiim ah taasi oo inaga caawin karta yareynta weerarada argagixiso ee dalka ka dhicikara” Ambrose Munyasia oo ah sargaal sare oo ka tirsan booliska magaalada Mombasa ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
“Waxan dooneynaa in aan ogoono hadii walxahan aan helnay ay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixiso oo ay ku jiraan Al Shabaab, Al Qaacidda iyo kooxo kale” sidaasi waxa sheegay Aggrey Adoli oo isna ka tirsan booliska gobolka xeebta dhaca.
Saraakiisha dowladda Kenya waxa ay sheegeen sidoo kale in booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo FBI Maraykanka ay ku caawinayaan sidii aya uga hortagi lahaayeen hajabaadaha xiriirka ah ee uga imaanaya Xarakada Al Shabaab iyo Al Qaacidda sida ay hadalka u dhigeen.
Xaalada Amman ee dalka Kenya ayaa aheyd mid ka sii dareysay tan iyo markii sanadkii la soo dhaafay ciidmaada Xukuumada Nairobi ay gudaha u soo galeen Koofurta dalka Soomaaliya waqtigaasi oo ay ku eedeeyeen Xarakada Al Shabaab in ay ka danbeeyso falalka qafalka ahaa ee dalkeeda ka dhacayay hase ahaa tee Xarakadu ay beenisay aritaasi.



Recent Comments