|

DKMG oo cududeeda gaarsiisay deegaanka Ceel macaan ee Gobolka Sh/dhexe

Muqdisho-hobyonet)Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ayaa lawareegay  deegaanka Ceel macaan halkaas oo horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada AL Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in lagu arkayo Ceel macaan Gawaarida gaashaaman,tikinikada iyo ciidamo aad ufara badan oo halkaas isku ballarinaya

Sidoo kale ciidamada ayaa lasheegayaa in ay kusii socdaan wadada deexda ah ee halkaasi marta isla markaana isku xirta Gobolada Shabeelada dhexe Galgaduud iyo qaybo katirsan Gobolka  Mudug

Gen:Gacma duule oo ah taliyaha howl galinta ciidanka DKMG Somaliya oo lahadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in guulo ay kagaareen ciidanka dowladda howl galadda ay isugu fidinayaan deegaano katirsan gobolka Shabeelada dhexe

Taliyaha ayaa sheegay in  qorshaoodu yahay in ay gaaraan  saacadaha soo socda degmooyinka warsheekh iyo cadalle  oo dhamaan kawada tirsan gobolka shabeeladda dhexe

Dhinaca kale ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM  ayaa kaabiga kuhaaya degmada Balcad waxaana lagu soo waramayaa in 20 km un ay ujirto haatan ciidamada kulaalaya halkaasi

Dekadda Ceel macaan ayaa 40 km ujirta Magaalada Muqdisho iyadoona muhim u ah howl galka ay isugu sii ballaaranayaan ciidanka dowladda iyo AMISOM Gobolada dalka Somaliya

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed