|

Gudiga olympicaka Soomaaliyeed oo xusey munaasabadda Olympic Day

Sports-hobyonet)Gudiga olompikada Somaliya ee GOS ayaa ciyaaro iyo tartamo ku maamuusay munaasabadda maalinta olympicada aduunka ee Olympic Day taasi oo lagu qabtey garoonka Ex-lugino degmada C/casiis gobolka banaadir.

Tartamo orodo iyo xarig jiid, Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, tartamo Karate iyo Tekwando ayaa lagu soo bandhigey halkaasi iyadoo kooxo gabdho iyo wiilalba ah ay tartamayeen meelo fog fogna laga soo ordayey.

Gebo gabadii waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino kala duwan oo la gudoonsiiyey ciyaartoyda kaalimaha ka galey tartamadii dhacay iyadoo websitkahobyonet.com la gudoonsiiyey shahaado sharaf ku aadan kaalinta uu kageystay horumarinta iyo howsha Gudiga olompikada ku doonayo in dhaqdhaqaaqyada sportiga dalka lagu horumarinayo.

Gudoomiyaha Gudiga olombikada soomaaliyeed Duraan Axmed Farax ayaa sheegay in Gudiga iyo xiriiradiisa ka go’antahay in si wadajira looga shaqeeyo kor u qaadista sportiga dalka isagoo ganacsatada Somaliyeed ka codsaday iney gacan ka geestaan dhiirigelinta dhalinyarada sportiga ku howlan si loo tiigsado isbedel iyo dalalka asaageena ah

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed