|

TARIIKH NOLELEDKI & WAX QABADKI MUSHARAXA MADAXWEYNAHA GALMUDUG MUDANE: ABDISAMAD NUR GULEED

24 June,2012

Gaalkacyo-hobyonet)Waxaan kudhashay magalada galkacyo e gobalka mudug 1960 , waxan dugsiga hoose kusoqatay bardacad school ee galkacyo , dugsiga dhexe waxan ksuo qatay saqawudin school ee muqadisho , dugsiga sare waxa kusoqatay Omar samatar secondary school ee galkacyo , marki an dhamestay waxbarashadaydi dugsiga sare ayan muqadisho waxa kuqatay 2bo sano o course management ah e muqadisho management school 1982 ayan katagay wadanka Somalia waxana ganacsade kanoqday wadanka Kenya

Waxana ahaa as asihi company gi logu magacdaray east Africa transportation and Carrier Company o an ka aha chief executive officer in kabadan 20 sano ,

2002 ayan wadanka Somalia dib ugu so noqday gar ahan muqadisho aniga o ah general manager of silver elephant company lantisa Somalia e muqadiho

Ugudanbenti waxan dib ugu labtay magalada galkacyo dhamadki 2005 ti halkas o an kanoqday head of consultation department of SCDO organization,

14/8/2006 marki ladhisay mamulka Gal-mudug waxan kamid noqday Baarlamaankii markaas ladhisay ,
waxaana la ii doortay gadoomiye ku xigeenka labaad ee Baar lamanka Galmudug , isbuuc kadib misana waxaa la ii doortay Gadoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka galmudug
Gadoomiyihii ayaa tagay markii uu tagay kadib waxan noqday kusimaha Gadoomiyaha Barlamaanka
anigoo ah ku simaha Gadoomiyaha Barlamanka ayaa hadana waxaa tagay madaxwaynihii Galmudug maxamed warsame kiimiko
taarikhdu markii ay ahayd 6/3/2007 waxan noqday kusimaha madaxwaynaha Galmudug,

madaxwaynuhu wuxuu soo noqday 2/11/2008 intii uu maqnaa oo ahayd sanad iyo sideed biloood
wax badan baan qabanay waxaana ugu muhiimsanaa shirkii Bandiiradley shirkaas oo ay kasoobaxeen qodobo muhiim ah:
1: sida ciidankii oo laxareeyey
2: isbaarooyinkii oo laqaaday
3: canshuurtii oo bulshada laga qaaday
4: amanki o lasugay
5: Beelaha dariskaa oo nabad lala saxiixday
3 sano kadib doorasho ayaa laqabtay tarikhdu markii ay ahayd 14/8/2009
waxaana la ii doortay madaxwayne kuxigeen
marikii la iidoortay madaxweyne ku xigeenka wax badan ayan wax ka qabanay oo ay ugu muhiimsantahay
aqoonsi buuxa in uu helay Maamulka Galmudug
waxana ka mid noqonay saxiixayaash rowdh maabka ka kooban lix ximnood
sido kale Arimaha bulshada wax wayn baa laga qabtay sida waxbarasha Dugsiyada sare iyo jaamacadaha oo aan horay oga jirin deegaamada Galmudug
sidoo kale caafimaadka isna waxbaa laga qabtay sanadku markuu ahaa 2011
16 goobood MCH ah Hooyada iyo Dhalaanka sidoo kale ceelal farabadan baa laga qoday Deegaanada Galmudug
Sodoo kale waxaa jiray caqabado xaga bulshada ah
Taas oo aay ugu wacantahay
20 sano oo aysan arag Dowlad

Luqadaha

Musharax abdisamad nur guleed: waxa u si fican ugu hadlaa , qorana luqadaha kala ah Somaliga iyo englishka iyo Kisiwahiliga , waxuna fahma luqadaha Urdu iyo carabiga .

Waxyabaha aan qabandono hadi la’i doorto dorashada

v waxan abuuraynaa kaaba yaal dhaqaale sida Dakad iyo Ayrobooro iyo wadooyinka oo ladhiso mamulka galmudug.

v waxan xooga saarayaa dib uheshiisiinta Beelaha Dariskanala ah iyo kuwa ladagan Dowlad Gobaleed ka Galmudug.

v hubkadhigis qabaa ilada lagu sameyo , lona sameyo ciidan yar oo tayo fiican leh mamulka galmudug oo ay tabaraan saraakiil sar sare.

v waxan Maamulka galmudug Gaarsiinaynaa in u kashaqeyo ilaa galgadud.

v Galkayo waa caasimada Dowlad Gobaleed oo Tastuurku qorayo
Waana Magaalo Ganacsiga ku fiican waxan samaynayaa magaalo kale oo ay Dowladu ku shaqayso si kumeel Gaar ah.

v Dowlada dhexe e Somalia waxa layelaneyna Xiriir Rasmi Ah iyo wada shaqayn toos ah.

v waxan samayn doonaa da’daalo rasmi ah o ay Hayadaha UN in ay Deegaamada galmudug Soodagaan.

v waxan ladagalamaya Burcad Badeeda isla markasna usamendona janisyo shaqo abuuris ah daman dhalinyarada galmudug.

v waxan ladagalamaya argagaxisada & xaalufinta Dhirta iyo Duurjoogta.

v Ugu Danbayntii 3sano oo aan Xilkas uhayo markii ay dhamato in shacbigu ay wax doortaan si Dimuqraadi ah.

v waxan Balan Qaadayaa hadii la idoorto in aan wax ka Qabanayo Qodobadas oo Dhan
Wabi laahi towfiiq.
C/samad Nuur Guuleed

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed