|

Mu’tamarkii 8-aad ee ahlusunna ee ka socday Stockholm Sweden oo caawa la soo gabagabeeyey Bayaana laga soo saaray(Sawirro)

25 June,2012

Stockholm-hobyonet)Mu’tamarkii 8-aad ee Culimaa’diinka Ahlusunna Waljamaaca ee ka socday magaalada Stockholm ee caasimada Dalka Sweden ayaa caawa la soo gabagabeeyey, iyada oo labadii cesho ee uu socday ay soo xaadireen boqolaal dadweyne ah kuwaas oo dhageysanayey muxaadarooyin diini ah oo ay soo jeedinayeen culumaa’diin Soomaaliyeed oo ka kala yimid qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Culumaa’udiinka maanta Muxaadarooyinka soo bandhigay ayaa waxaa ay kala ahaayeen

Sh. Muxudiin Xasan Ayaanle oo Stockholm.Sweden

Sh, Muuse Xaaji Aadan Oslo -Norway
Sh, Cali Loobagay London- Uk
Sh. C/laahi Salaad gothenburg. Sweden
Sh, Haadi oo Stockholm- Sweden.
Sh. Cismaan Xaaji Aadan Stockholm. Sweden.s

Intii ay socdeen muxaadarooyinka diiniga ah ayaa waxaa si dhextaal ah digri salaan iyo nabi amaan u soo bandhigay qaar ka mid ha jameecooyinka ahlusunna walajmaaca ee isaga kala yimid qaarada Yurub.

Mutamarkan ayaa waxaa sidoo kale khudbooyin qiimo badan ka soo jeediyey kuwaas oo u badnaa mahadcelin iyo soo dhaweyn, Macalin Saciid Xasan Cilmi oo ay jameecadiisa martigalisay iyo Sh, C/raxmaan Shiikh Muxudiin Celi oo todobadii sano ee la soo dhaafay qabashada mu’tamarka soo wadya isag aiyo jameecadiisa,, iyaga oo goobta ka sheegay in dib laga soo sheegi doono sanadka soo socdo iyo goobta lagu qaban doono mu’tamarka.

Gunaanadka Mu’tamarkan ayaa si wada jir ah Culimaa’udiinkii ka soo qeybgalay waxa ay soo saareen bayaan, ka koobnaa toban qodob kuwaas oo u qornaa sidatan

1-Waxaan umada Soomaaliyeed uga digeynaa ficilada xagjirnimada, ee umada soomaaliyeed lagu haayo. taas oo ay ugu horeyso madhabka wahaabiisimka iyo inta xagjirnimada kale ah.

2-Waxaan ka codsaneynaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, anaga oo ah culumaaudiinka ahlusunna waljamaaca, dadka ay soo xulaayaan in ay ahaadaan dad lagu kalsoon yahay diintooda, aqoontooda, iyo dadnimadooda, ayna dareemaan mas’uudliyadda saaran.

3-Culumada ahlusnna waljamaaca waxa ay u mahadcelinayaan dowladda Turkiga oo caawisay umadda Soomaaliyeed, lana garab istaagtay taakuleynt.

4- In umadda Soomaaliyeed ay aqoonsato doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lulaahyeen culimada bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, lana soo celinayo hogaaminta umadda.

5-Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dowladihii caawiyey, umadda Soommaaliyeed kuna so dhaweeyey wadamadooda.

6-Waxaan mahad naq balaaran u jeedineynaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kuwa ahlusunna waljamaaca, iyo Amisom, doorkii sharafta lahaa oo ay ahaa ka saarida argagixisada.

7-waxaan ugu baaqeynaa umadda Soomaaliyeed, in la soo celiyo manhajkii waxbarashada ee hore ee Dowladda Somaliyeed lagana ilaaliyo manaahijta xagjirka ah.

8- waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo jeedineynaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee Soomaaliyeed oo aysan qarsan dadka wada falalka wax dhibaateynaya.
9- Culimada ahlusuuna waxaan u soo jeedineynaa in aan lagu kala qeybin tacasubka qabiilo iyo mid dariiqo.

10- Dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in aynaan u aqoonsan koox yar oo Soomaalida ka mid ah in ay matalaan culumada soomaaliyeed.

 

Fardowso Sh Xasan Kuriya

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed