|

Qarax kadhacay Magaalada Mombasa ee dalka kenya

Mombasa-hobyonet)Qaraxaani ayaa waxaa uu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo lagu dawaanayay Ciyaar  oo kutaalla  Magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Sarkaal katirsan ciidanka buliiska Magaaladaasi  oo la hadlay Warbaahinta qaraxaasi kaddib ayaa waxa uu sheegay in hadda ay baaritaanno  ku hayaan goobta ay wax ka dhaceen, isagoo tilmaamay in uu arkay hal qof oo meyd ah.

Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in markii uu dhacay qaraxaasi ay xireen waddooyinka gala goobta uu qaraxa ka dhacay, isagoo kagaabsaday nuuca qaraxaasi

Qaraxaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli dowladda  Maraykanka  Muwaadiniinteeda ay ugu digtay inay u socdaalaan dalka Kenya gaar ahaan Magaallada Mombasa oo ay sheegtay  inay ka dhici karaan weerar aargigixisinimo.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed