|

Maxamed C.laaahi Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 26-ka June

Muqdisho-hobyonet)Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Faramaajo oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Maxalliga ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hamblayeeyey munaasabadda 26-ka june oo maanta ku beegan markii Ciidda Soomaaliya laga Mudan Calan Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Faramaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaaliyeed ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uu ugu hambalyeynayo 52 guuradii ka soo wareegatay Todobaadka Xuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay hambalyo Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waa sanad guuradii 52-aad ee ka soo wareegtay xoriyad qaadashadii gobollada woqooyi, waxaan leeyahay gaar ah uma ah taasi woqooyi, guud ahaan Soomaaliya, waxaan leeyahay hambalyo Ciid wanagaasan” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Faramaajo ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay maanka ku hayaan sida lagu helay gobonimada.

Sidoo kale waxa uu sheegay Farmaajo in sidoo kale loo baahan yahay in la xusuusto 13-kii dhallinyaro ee SYL ee u soo halgalay inay keenaan gobanadibada iyo xornimo ay heshay Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Faramaajo waxa uu ilaahay ugu baryey shacabka Soomaaliyeed inuu dhibtaada ka dulqaado sanadkan kiisa kalana uu ku gaaro horumar, bash bash iyo baraare.

26-kii June 1960-kii waxa ay ahayd markii ugu horeysay oo ay xoroobeen gobollada woqooyi ee Dalkeena Soomaaliya waana markii ugu horeysay oo Calankeena Buluuga ah laga taagay Ciida Soomaaliya, islamarkaana aan iska qaadnay heerayadii gumeysiga.

 

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed