|

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo maanta u qeybisay Odoyaasha Dastuurka dalka

Muqdisho-hobyonet)Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta horgeysay Dastuurka dalka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Shirka uga soconayo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Odoyaasha u qeybiyay Dastuurka dalka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Islamarkaana laga sugayo iney Odoyaashu soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka dalka.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka ayaa Odoyaasha uga warbixiyay sababihii loo kala diray Gudigga Madaxa Banaan ee Dastuurka islamarkaana u sheegay in Gudigaasi howshii loo idmay ay u dhamaatay balse la kala diray Gudigaasi.

Dastuurkaani waa kii ugu wanaagsanaa marka loo eego Shareecada Islaamka,Waa mid ay dalka iyo dadka anfacayo”.

Wuxuuna intaasi ku daray in Dastuurka uu yahay midka kaliya ee xilligaani ku haboon dalka

Waxaana sidoo kale la hadlay Odoyaasha Dhaqanka Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud,Wuxuuna u sheegay in maalinta barri ah wixii ka dambeeyo la idin kaga baahan yahay inaad soo gudbisaan Liiska Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka.

Ugu dambeyntii Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney soo aqrinayaan Dastuurka islamarkaana xusay iney soo dedejinayaan Soo Xulista Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka.

DHAMAAD -

Diraac Salaad Fagaase.

Communication Director Office of the PM.

Tell:+ 252 616 084650

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed