|

Xulka Spain oo 120-daqiiqo ka dib gool-ku laad ugu soo baxay Finalka Uero-2012 + daawo swiro

Sports-hobyonet) Xulka kubadda cagta ee Spain ayaa rigooyaal 4-2 ugu guuleystey xulka Portugal markii ay xaley garoonka Donbas Arena ee magaalada Shakter Ukrine ku wada ciyaareen 120-daqiiqo kulankii koowaad ee afar dhamaadka Semi Final koobka qaramada Yurub (Euro-2012).

Kulanka oo ahaa mid aad u adag una dhexeyey labo xul oo deris ah iyo ciyaryahano inta badan ka ciyaarta La liga Spain ayaa waxaa loogu magac darey Iperian Classico,taasi oo marqaati aan u baahneyn marka dib loo eego wixii xaley ka dhacay Donbass Arena oo Spain awoodoodii la celiyey ilaa 120-daqiiqo.

Xidigaha qeybta difaaca ee Portugal ayaa u muuqdey kuwo isku xirnaa oo wada shaqeyb heer sare ah ay ka dhexeysay taasi oo weerarka aan dhameystirka lahayn ee Spain u diidey inay kubado badan oo halisa ku abuuraan diilinta 18-aad ee Portugal.

si kastaba xidiga Barcelona iyo Spain Cesc Fabregas oo ciyaarta bedel kusoo galay,ayaa dhaliyey gool-ku laadkii 5aad ee xulkiisa guushu ku xaqiijiyey inay 4-2 rigoore kaga adkaadaan Portugal,ka hor inta aysan min 1 tuurasho qasaarinin Xabi Alonso (Spain) iyo Moutinho (Por).

Cristiano Ronaldo oo ay Portugal ku duulayeen ayaa sameeyey kubado halis gelin karey goosha Casilas uu waardiyaha ka ahaa,waxaana xusid mudan inuusan tuurin gool-ku laadyadii lagu kala baxey sababtoo ah ka hor inta aysan isaga gaaarinba waxaa tuurashadii 4-aad Portugal ka qasaariyey Bruno Alves oo birta garaacay,taasi oo u sahashey Fabregas inuu dhaliyo goolkii guusha.

Xulka Spain ayaa iminka gaarey Record ay hore u sameeyeen xulka West Germany oo 3 ciyaarood oo Final ah dheelay,waxayna sidoo kale dooneysaa inay markii 2-aad oo isku xigta ay ku guuleysato koobka qaramada yurub,taasi oo hadii ay dhacdo sidoo kale soo qaban doonta xulka dalka Germany oo 3 jeer ku guuleystay Ueropean Championship.

Xulalka Germany iyo Italia ayaa caawa ku balansan magaalada Warsaw ee dalka Poland garoonka ku yaala si ay ugu dagaalamaan kulanka labaad ee semi finalka Uero-2012.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed