Gudoomiyaha Gobalka Mudug oo digniin u jeedisay Hay’adaha Samafalka
29 June,2012
Galkacyo-hobyonet)Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa digniin u jeediyay Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Maxamuud Guure Guuleed oo maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu eedeyn kulul u jeediyay qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gobolka Mudug kuwaasi oo uu sheegay inay wadaan waxyaabo ka baxsan Maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha Gobalaka Mudug Maxamud Guure Guuleed ayaa waxa uu sheegay in Hay’adahaasi shirar aan Maamulka la socon ay ku qabtaan Magaalada Gaalkacyo, isagoo tilmaamay in Hay’adaha loo baahan yahay in arrintaasi ay ka digtoonaadaan.
Waxa uu sheegay Hay’addii aan soo marin Maamulka Galmudug in aysan howlo ka qaban karin gobolka sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Gudoomiyaha Gobalka ayaa imaana xili Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo Hay’adda qaar ay ku qabsanayeen Shirar iyo kulamo ay la yeelanayeen Qaybaha Bulshada.
Www.hobyonet.com



Recent Comments