|

Shaqaale gar gaar oo ajnabi ah oo lagu afduubtey xerada qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi-Bari dalka Kenya

Dhadhaab-hobyonet)Kooxo hubeysan ayaa qafashay shaaqaale gar gaar oo ku sugnaa xirada qaxootiga Dhadhaab ee ku taala gobolka Waqooyi-Bari dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya aya sheegay in shaqaalaha gar gaar ee la afduubtay oo ah 4-qof ay u kala dhashay wadmaada Canada, Norway, Pakistan iyo Philippine kuwaasi oo la sheegay in ay howlo samo fal ka wadeen xirada Qaxootiga ee Dhadhaab.

Darawalkii shaqaalaha la afduubtay oo u dhashay dalka Kenya ayay kooxiihii hubeysnaa toogteen iyadoo boolisku ay xaqiijiyay in dhaawac soo gaaray dartiis uu goor danbe u geeriyooday.

Booliska dalka Kenya waxa ay sheegeen in shaqaalaha la afduubtay ay u shaqeynayeen Hay’adda Norwey laga leeyahay ee ka shaqeysa arrimaha qaxootiga oo looyaqaano Norwegian Refugee Council (NRC), waxaana ay sidoo kale carabka ku dhufteen in ay ay ku tuhun sanyihiin in arintani ay ka danbeeyaan Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Booliska Kenya masheegin halka ay kooxaha hubeysan u qaateen shaqaalaha gar gaar ee u shaqeynayay hay’adda arrimaha qaxootiga ee Norwegian Refugee Council (NRC).

Waa afduubkii ugu horeyay ee ka dhaca gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi-Bari dalka Kenya tan iyo markii ay bishii October ee la soo dhaafay ay ciidamad Kenya ay gudaha u soo galeen Koofurta dalka Soomaaliya.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed