|

QM iyo DKMG oo wada saxiixey heshiis looga soo horjeedo askareynta caruurta

Rome-hobyonet)Shirkii Qaramada Midoobay ay taageereeysay ee ka dhacay magaalada Roma ee Caasimad dalka Talyaniga ayaa dowladda KMG ah waxa lagu saxiixay heshiis logu dhameeynayo Askaraynta caruuta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa dhigaya in aan la askareeyn Karin caruuta da’doodu ay aad u yartahay islamarkaana la dhowro xaquuda ay leeyihiin.

Heshiiska waxaa siwada jir ah u saxiixay dowladda KMG Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay dhanka dowladda waxaa u saxiixay Xusen Carab Ciise oo ah Wasiirka Gaashaandhigga iyadoo dhanka Qaramad Midoobay uu heshiiskan u saxiixay Ogostin Mahiiga.

Mahiiga oo madax u ah xafiiska siyasada ee UNPOS ayaa sheegay in heshisikani uu yahay mid heer sae ah oo looga hortago dhibaatooyinka askareynta ah ee lagu hayo caruurta Soomaaliyeed.

Heshiiskale oo midkan dabasocda ayaa lafilayaa in bishan dhamaad keeda lagu saxiixdo magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed