|

Gudoomiyaha Shabeelaha hoose oo ku hanjabay inay xarunta gobolka kala wareegayaan al-shabaab

Marko-hobyonet)Dr C/Qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa maanta sheegey in Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ay ku sii lalayaan Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay si buuxdo leh gacanta ugu heyso Xarakada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, oo la-hadlayey Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda Somaliya ay xilligaan qorsheynayaan inay qabsadaan sida uu yiri Magaalada Marka.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu tibaaxay in Ciidamadda Dowladda ay xilligaan ku sugan yihiin sida uu yiri Deegaanka Aw Dheegle, isla-markaana ujeedkoodu ayaa wuxuu ku tilmaamay sidii ay Xoogaga Shabaab uga saari lahaayeen Magaalada Marka.

“Waxan ku suganahay Aw Dheegle, ujeedkeenu waa Marka, oo aan ka saarno nabadiidka, iskoobihii lagu xaaqi lahaa haraadiga Shabaab waan wadanaa, nimankaan anagoo Marka ka saarin kama daba-hareyno” ayuu yiri Dr C/Qaadir Siidii.

“Waxaan Muqdisho uga soo baxnay, oo aan Afgooye u qabsanay waxaa waaye anaga oo rabno inaan Shabaab ka saarno Magaalada Marka, maxaa yeelay waxay neefta ay ku dhejiyeen shacabka ku dhaqan, anagana waxaan ku hawlanahay sidii aan uga dul-qaadi laheyn” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale Dr Siidiii ayaa wuxuu sheegay in kolkii Xoogaga Shabaab dagaalada looga adkaaday ay bilaabeen inay weeraro dhaba-gal ah ay ka geystaan sida uu yiri wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, inkastoo uu sheegay inay taasi haataan meesha ka saareyn.

Si kastaba ha-ahaatee Siidii ayaa wuxuu sheegay inay goor dhaw rajeynayaan inay gacanta Dowladdu soo gasho Magaalada Xaruunta ah ee Marka, ayna ka saarayaan waxa uu ugu yeeray nabadiidka, oo uu sheegay inay diideen inay nabadda qaataan, sida uu yiri.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed