|

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Bakir Bosdag oo Muqdisho soo gaarey

Muqdisho-hobyonet)Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Bakir Bosdag ayaa maanta markale booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya islamrkaana kulamo la qaatay madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

Ugu horeyn Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Bakir Bosdag waxaa garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah C/wali Max’ed Cali Gaas kaasi oo ay siwada jir ah dhagax dhig ugu sameeyeen Waaxda-saadaasha Hawada ee Garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Bakir Bosdag ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay ka wado Soomaaliya Mashaariic badan, islamarkaana tani ay ka midtahay mashruucyo xiriir ah oo ay dowladda Turkigu ka fulindoonto dalka Soomaaliya.

Kaddib ayaa Bakir Bosdag waxaa loo galbiyay dhismaha Madaxtooyada halkaasi oo kula kulmay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madax kale oo ay sidoo kale ka wada hadleen hormarka dalka Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa.

Dowladda Turkiga ayaa hada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka wada mashaariic farabadan oo ay uga qeyb qaadanayso dib u dhiska Caasimada Soomaaliya.

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed