|

Ciyaaraha olompicada kubadda cagta ee Gabdhaha oo la bilaabey + sawiro

Sports-hobyonet)Xulka kubadda cagta ee gabdhaha Brazil ayaa si awood ah waxay 5 iyo 0 kusuul daareen dhigooda Cameroon, kadib ciyaar xiiso badneyd oo ay ku yeesheen London kana tirsananeyd ciyaaraha Olompic-ska qeybta kubadda cagta ee Gabdhaha.

Gabadha 5-ta jeer ku guuleysatey laacibta aduunka ugu wanaagsan ee Marta ayaa si weyn uga dhex muuqatey ciyaarta walow ay 2 gool ku lahayd 5ta gool ee lagu xasuuqey Cameroon midna Rigoore ahaa.

Great Britain oo ku group-ah Barzil ayaa waxay 1-0 uga adkaadeen furitaankii xulka New Zealand.

Xulka Gabdhaha Japan oo group- F ku jira waxay 2-1 uga adkaadeen xulka gabdhaha Canada,sidoo kale xulka Sweden ayaa 4-1 ugu awood sheegtey xulka South Africa.

Xulka gabdhaha Mareykanka ayaa 2-0 ku garaacey xulka France, waxaana isla Group-kaasi G, sidoo kale guul qaadey xulka Waqooyiga Koria, oo 2-0 ku garaacey Colombia.

Ciyaaraha kubadda cagta qeybta Wiilasha ayaa caawa lagu wadaa iney bilowdaan, waxaana ka qeybgalaya ilaa 16-xul oo loo qeybiyey 4 group.

Xafladda furitaanka ciyaaraha Olompicada ayaa lagu wadaa in gelinka danbe ee Jimcaha ay ka dhacdo London iyadoo amaanka si weeyn loo adkeeyey, isla markaana lagu bixiyey dhaqaae aad u badan oo aan horey loo arkin.

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed