Zam zam iyo Maxamed teeyoo oo muujiyey in Calanka Soomaliya weli caalamku ka ba’banayo
Sports-hobyonet)Labada orordyahan ee Gudiga olombikada Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay u idmadeen in Calankeena Buluuga laga weynin fagaaraha Caalamka ee London ee ay isugu yimaadeen ilaa 205 dowladood ayaa waxaa ay muujiyeen geesinimo iyo inaan nahay dal jira oo aan weli aduunka ka harin.
Zamzam Maxamed Faarax ayaa maanta ka qaybgashay tartankii orodka 400 meter ahaa ee ka dhacay London, kaasi oo ay wareegiisii hore safka la gashey dalalka GRB,Brazil, Kenya Ireland iyo USA,halka sidoo kale Maxamed Teeyoo uu isaguna 1500 Meter kala qeybgaley dalal kuwaasi oo kale ah,waadna garan kartaa aqristoow awooda dhaqaalle iyo tayo ee ciyaartoyda dalalkaasi oo aynu la tartaney iyo sanadaha badan ee la diyaarinayey.
Iyadoo ay jirto awoodaasi dhaqaalle ee dalalka caalamka iyo dalkeena Somaliya oo ku dhowaad 22 sano ku jirey fowdo iyo bur bur ayaa hadana Zamzam iyo Maxamed waxaa ay diideen inay afuraan maadaama ay Soomanaayeen bisha Ramadaan ee lagu jiro tiiyo dalalka yurub waqtiga soonku aad u dheeryahay hadana ciyaartoydeena ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay inay adkeeyan Islaam-nimadooda markii iyagoo Sooman ay galeen tartanka.
Markii la soo saftey meesha orodku ka bilaabaney ayaa waxaa si xoog leh u muuqanayey in Zamzam ay ka duwan tahay gabdhihii la tartameyey xag waliba.
Zamzam ayaan ka muuqan farxad iyo raynreeyn badan iyo weliba iyadoo ay muuqnaysey islaamnimadeeda, waxaa kaloo waadix ahayd in Zamzam ay xagga muuqaalka ahayd tan ugu qafiifsan xaga miisaanka iyo weliba marka murqaha loo fiiriyana ay ahayd mid ay taag darro baahsani ka muuqatey.
Guud ahaan muuqaalka Maxamed iyo Zamzam ayaa ahaa muuqaalka saxda ah ee Soomaaliya iyadoo aysan jirin haba yaraatee tashiilaadkii looga baahnaa dowlada rasmi ahaan ee sahlayey cayaartoyda dalkeena matalaysa iney tababarka ku qaataan iyo waxyaabaha kale ee ay u baahnaayeen inkastoo sagootin iyo ereyo dhiirigelin ay DKMG ku sagootisey markii ay dalka ka ambabaxayeen.
Ugu danbeyntii Zamzam iyo Maxamed Teeyoo oo isaguna ordey 1500M ayaa waxay galeen kaalimo wanaagsan marka la eego saacadaha ay sameeyeen oo ay ka wanaagsanaayeen dalal kale oo africa iyo yurub ka tirsan, waxaana sharaf weyn inoogu filan inaanba ka qayb galney iyadoo aysan jirin dowlad horumarisa isboortigeena halka in ka badan 22 sano ahna aanu ku jirney dagaalo sokeeyo oo xanuun badan.
Taageerayaashii,Bahda Sportiga ee ku sugan Magalada Muqdisho iyo sidoo kale fanaaniin caan ka ah Somalia oo muqdisho ku sugneyd oo Tv-yada iyo Idaacadaha kala socdey tartanka ayaa in badan oo ka tirsan qadka isgaarsinta gacanta igula soo xiriirey iyagoo aad ugu mahadcelinayey Labada Ciyaaryahan iyo Gudigii isku howley in halkaasi aanu ka soo muuqano caalamkana la tusey in Calankeena uusan weli dhulka soo taaban fagaarayaasha aduunkana laga weynin
Somalia Guul Calankeena Guul GOS guul insha allaah
by: C/xafiid C/samed Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com



Recent Comments