Macalimiin Mudo 2sano ah Tababar uga socday Galkacyo oo imtixaan u fariistay

Galkacyo/Hobyonet)220 Macalimiinta Dugsiyada H/dhexe ee Galmudug ayaa manta u fariistay imtixaan soconaya 5maalmood kuwaas oo soo qaatay tababr socday Mudo 2sano ah korna loogu qaadayay tayada Macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Deegaanada Galmudug.

Tababarkan ay soo qaateen Macalimita Galmudug ayaa waxaa qabtay wasaarada Waxbarashada Galmudug oo gacan Dhaqaale ka helaysa Hay,ada Unicef waxaana tabarka Lagu qabtay Xarunta Jaamacada Mudug Universaty iyadoo ay tababarka Bixinayeen Macalimiin ka socday East Africa Universaty iyo Mudug Universaty.

Pro:Max’ed Jaamac yuusuf oo ka mid ah Macaliminta wax ka dhiga Jaamacada East Africa University ayaa ka war bixiyay qaabka ay u qabteen Tababarkan wuxuuna sheegay in uu socday Mudo 2sano ah isla markaana ay u fuliyeen horumar dhinaca waxbarida ah iyo tayaynta Macalinimo wuxuuna sheegay in ay macalimiinta Siiyeen Tababar hufan.


Sidoo kale waxaa Isna saxafada Hadal kooban siiyay C/kariin Bile Bulxan oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacada Mudug University (MU) wuxuuna sheegay in ay Tababarkan wadeen Mudo 2sano ah isagoo xusay in ay tababarka siyeen ilaa 220 macalin oo kala yimid Degmooyinka Dhuusamareeb,xarardheere, Cadaado,Hobyo iyo Galkacyo .

Imtixaankan ay u fariisteen Macalimiinta ayaa ah mid kor loogu qaadayo Tayada Macalimiinta ISkuulada H/dhexe ee Galmudug wuxuuna Imtixaanku hada ka socdaa Iskuulka C/laahi Ciise ee Magaalada Galkacyo waana markii ugu horaysay ee tiro Macalimiin intaa le.eg loo qabto Tababar waxayna Masuuliyinta Wasaarada Waxbarashadu Sheegeen in markasta ay ku howlanyihiin Tayayta waxbarshada Deegaanada Galmudug.
Xafiiska Wararka Hobyonet.com
Galkacyo-Galmudug
Cali Maalin Nur



Recent Comments