|

Wasidee Xaalada Caafimaad Iyo waxbasho ee Degmada Docol

 

Galkacyo/Hobyonet)Maamulka Degmada Docol oo u waramayey Hobyonet.com  ayaa faah faahi ka bixiyey marxalada waxbarashada iyo caafimaadka deegaanka Docol .

 

Macalin Siciid Cali Cumar oo ah Gudoomiyaha Degmada Docol ayaa sheegay in warbarashada iyo Caafimaadkuba ay kawanaagsanyihiin sidii ay ahaayeen 2sano kahor taasoo buuyiri ay ugu wacantahay kaalmo Deegaanku uu ka helay Haya’addaha D.R.C iyo Unicef oo Deegaanka u dhisay School iyo Hospital iyadoo haya’adda D.R.C ay dhistey Hospalka islamarkaana Daawada iyo shaqaalaha mushaarkooda bixiso haya’adda Cesvi halka Unicef ay dhistey schoolka wax barashada Degmada Docol.

 

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusey in deegaanku uu aad ugu bahanyahay Biyo galin maadaama ay magaaladu  fideyso islamrkaana ceelka biyaha oo ku yaala Bartamaha Magaalada dadku uu si dhibleh ugu soo arooro sidaa darteed loo baahanyahay in Haya’addaha Samafalku ay ka caawiyaan dhanka biyo galinta Degmada docol oo u diyaar ah in ay soo dhaweeyaan Cid kasta oo ka caawinkarta Biyo galin.

 

Maamulka iyo shacabka Degmada Docol oo noqonaya Degmadii 2aad degmooyinka Galmudug marka loo eego isku xirnaanta iyo wax wada qabsiga ayaa iminka isku abaabulaya sidii ay u heli lahaayeenn Biyo iyo Koronto wada gaara Degmada oo dhan iyagoo kutaamaya sidii ay u hiigsan lahaayeen  shacabka Degmada Bandiiradleey oo kal Hore hormar ka sameeyey dhanka biyaha Korontada Waxbarashada iyo Amniga

 

Xafiiska Wararka Hobyonet.com

Galkacyo-Galmudug

Cali Maalin Nur

Cmaalin17@gmail.com 

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed