|

Ciyaartoydii Somalia uga qeybgashey Olympic london 2012 oo xaflad balaaran loo sameeyey + Daawo sawiro

Sports-hobyonet) Xaflad aad u balaaran ayaaa waxaa magaalada London loogu sameeyey gudigii iyo ciyaartoydii Somalia uga qeybgashey tartankii olympikada aduunka ee London ka socda, iyadoo xafladaasi lagu taageerayey ka qeybgalkii ay ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee Zam zam iyo Maxed teeyoo ka qeybgaleen ciyaarihii dhinaca orodada iyo sidoo kale guusha uu Mohamed Faarax oo asal ahaan Somalia kasoo jeeda ka gaarey orodkii 10.000 ee mitir.

Xaflada oo ay soo agaasimeen bahdii sportiga berisamaadkii ee ku dhaqan London ayaa waxaa kasoo qeybgaley Madaxda dhinaca Olympikada Soomaaliya,ciyaartoydii maxed iyo sam sam iyo bahda sportiga iyo Fanaaniin ee london ku nool iyo jaalaiyadda guud ahaan.

Waxaa dadkii halkaasi ka hadley ka mid ahaa Axmed Nur Xaashi seyga ruushka oo xidigihii dalkeena soo marey ka tirsanaa, waxaaana uu u hambalyeeyey Madaxda GOS iyo ciyaartoyda oo uu sheegey inay guul u ahayd inay calanka SOmalia ay halkaasi kusoo bandhigaan.

Dhamaan dadkii xafladaasi ka hadley ayaa waxay ka warameen inay farxad weyn tahay in Somalia oo dhibaato xoog leh ay ku dhacdey misana kasoo muuqato fagaaarayaaasha caalamka, iyagoo la tartamaya dalala waaweyn sida USA, England,Russia and China waxaaana guul inoogu filan intaaasi ayaa la yiri.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha GOS Duraan Axmed faarax ayaa aad ugu mahadceliyey Bahda reer London kaalinta ay ka geeysanayaan dhiirigelinta Sportiga dalka,isagoo balan qaadey inay si wadajira ugu wada shaqeyn doonaan horumarinta sportiga guud ee dalka.

Dadkii xafladaasi kasoo qeybgaley oo aad u badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa, Ahmed Nuur Seyga Ruushka, Dahir Isse Bulhan Hawo Sheik Taako, Abdow Tarabi, Mahmoud Khaliif, Mohamed Isse Ali (Digeeye), C.kadir Isoomareey,Mohamed Buube Mohiyadin,Abdulkader Ali Geedi, Saeedo Dheerey, Lawyer Hussein Dirie iyo Mahmoud Ismail Dabayare.

 

by  zaciimka

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed