Howlgalo lagu xirey dhalinyaro badan oo ciidanka DKMG kasameeyey Muqdisho
Muqdisho-hobyonet)Ciidamo ka tirsan DKMG ayaa habeenkii xaley waxaa ay howlgalo lagu qabqabtey dhalinyaro aad u badan ka sameeyen degmada X/weyne ee ka tirsan gobolka banaadir.
Ciidamada howlgalka sameeyey oo aad u badnaa kuna hubeysnaa qoryo aad u culus iyo gawaari ayaaa waxaa ay qabqabteen dhalinyarada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada x/weyne iyadoo goobaha qabqabashada laga sameeyey ay ku jirto shineemo halkaasi ku taala oo dhalinyaro ay filim ku daawaneysay.
Howlgalka ayaaa looga danlahaaa sida maamulka degmadu uu sheegey in lagu soo helo cidii ka danbeeysey dil habeen hore degmadaasi loogu geeystey Maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Aden cadde oo dableey aad u hubeysani ay halkaaasi ku dileen xili uu kasoo baxay Masaajid Abati lagu magacaaabo oo ku yaaala xaaafadda VIa Roma ee degmada x/weyne.
lama oga in ciidamada howlgalka sameeyey ay heleen cidii ay baadi goobayeen mana jirto wax war ah oo k saabsan howlgalkaasi oo kasoo baxay sarakiisha ciidamada iyo Maamulka degmada Midna, iyadoo dhalinyarada la xirxirey ay u badnaayeen ciyaal xaafadeed.
www.hobyonet.com



Recent Comments