|

Muhiimadda safarka Madaxweyne C/Qeybdiid ee Muqdisho

MUQDISHO-HOBYONET) Madaxweynaha cusub ee Galmudug State Gen.CAbdi xasan cawaale (Qeybdiid) Ayaa maanta soo gaarey magaalada muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha oo ay lasocdeen xubno katirsan baarlmaanka Galmudug Ayaa gudaha garoonka diyaaradaha Aden cadde kula hadley saxaafada Ayaa ugu horeyn u mahadceliyey madaxdii,xilibaanadii iyo shacabkii badnaa ee soo dhoweeyey, taasi oo uu xusey in kalsooni buuxda gelineyso isaga iyo maamulkiisa.

Waxaa uu hoosta Ka xariiqey in lagamamaarmaan ay tahay in shacabka iyo DKMG ay gacan Ku siiyaan dhinacyada horumarinta, sidii loo sugi lahaa amaanka deegaanada Galmudug iyo sidii gobolada dhexe looga sifeyn lahaa al-shabaab.

“waxaan wax weyn Ka qaban doonaa horumarinta dhan walba ee Galmudug State hadey noqon laheyd,burcad badeed,shabaab dhan kasta, taasi oo ahayd sababta la ii doortey

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay inuu taagersanyahay ansixinta dastuurka KMG ee odayaasha dhaqanku muqdisho Ku ansixiyeen.

Waxaa uu kulamo laqaadan doonaa madaxda ugu sareysa ee DKMG taasi oo ah ujeedada ugu weyn ee safarkiisa.

Recent Comments

    Comments are closed