|

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug oo sheegay in uu bilaabanayo Ololaha Nadaafada ee Bilic soo celinta Magaalada Galkacyo

Galkacyo/Hobyonet)Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug State Max’ud Guure Guuleed oo xafiiskiisa ka soo saaray warqad qoraala  ayaa sheegay in uu bilaabanayo Ololaha Nadaafada ee Bilic soo celinta Magaalada Galkacyo.

 

Qoraalka uu soo saaray Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxa ay u qornayd sidan

 

 

Ku:Dhamaan Mas’uliyiinta Galmudug

Ku: Ciidanka Nabadgalyada Galmudug

Ku:Saxaafada Madaxa Banaan

Ku:Dhamaan Bulshada Galmudug

 

Ujeedo:Ololaha Nadaafada Bilic soo celinta Magaalada Galkacyo

 

Sida aad lasocotaan waxaa la iclaamiyey olole Nadaafadeed oo socondoona Mudo 6 Maalmood ah kana bilaabandoona 4xaafadood ee Magaalada Galkacyo oo kala ah

 

1.Xaafada  Wadajir

2.Xaafada  Hormar

3.Xaafada Halw wadaag

4.Xaafada Garsoor

 

Ololaha waxa uu bilaabanayaa Maalinta Arbacada ah oo taariikhdu ku beegantahay 08/08/2012 Saacadu marka ay tahay 6:30 ilaa 10:00 wuxuuna socondoonaa sida Qoraalka  ku xusan 6 maalmood

 

Ololaha Nadaafada ee Lafilayo in maalinta biriya Laga bilaabo 4ta Xaafadood ee Degmada Galkacyo ayaa looga go leeyahay dib u soo Celinta Bilicda Magaalada iyadoo Xaafadaha iyo Wadooyinka Magaalada Qaarkood ay dhex Ceegaagan Qashin Farabadan taasi oo keeni kara  Xaalad Caafimaad daro .

 W/D:Cali Maalin Nur

Cmaalin17@gmail.com

Hobyonet.com-Galkacyo Office

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed