|

Ururada Haweenka Galmudug oo Xukumada Cusub ku Amaanay dorka laga siiyay

Galkacyo/Hobyonet)Ururada Haweenka Galmudud oo kulan ay isuguyimaadeen Maanta Magaalada Galkacyo Xukumada Cusub ee Galmudug ku tilmaamay in ay tahay mid cadaalad ku dhisan maadaama markii ugu horeysay haweenka Galmudug ay ka soo muuqdeen Golaha Baarlamaanka Cusub ee Galmudug State.

 

Haweenka Galmudug oo Golaha baarlamaanka Galmudug Markii ugu Horeysay Tan iyo Markii la dhisay Maamulka Galmudug Xubin ku yeshay ayaa kulankooda manta ku muujiyey kalsoonida ay u hayaan Xukumada Cusub maadaamad Golaha baarlamaanka ay ka soo muuqatey Marwo Xabiibo Max’ud Cabdi Koofurow oo noqotey Xubinta kaliya ee baarlamaanka galmudug ugashay Haweenka.

 

Marwo Xabiiko koofurow oo horey u ahayd Gudoomiyaha ururka  HaweenkaGalmudug  waxa ay kulanka manta haweenka Galmudu ay isugu yimaadeen ka sheegtay in haweenku golaha wasiirada Galmudugna Xubno kuyeelandoonaan sidaa darteena Talada Dalka ay wax weyn ku yeelanayaan haweenka Galmudug haweenkana looga baahanyahay in Xukumada Cusub hiil iyo hoo ay lagarb istaagaanMaadaama ay xukuumada Cusub ku yeesheen Xubno muhiim ah  .

 Waa markii ugu Horeysay ee ururada Haweenka Galmudug ay kalsooni heerkaan gaarsiisan ku dhawaaqaan in ay lagarab istaagayaan xukumad ay xubno kuleeyeihiin Golaha Baarlamaanka iyagoo qayb muhiim ah uga jira bulshada .

W/D:Cali Maalin Nur

Cmaalin17@gmail.com

Xafiiska Wararka Hobyonet.com

Galkacyo-Galmudug

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed