|

Burcad badeed Soomaaliyeed oo xukuno lagula ridey magaaalada Mombasa

Mombasa-hobyonet)Maxkamadda ku taalla magaala xeebeedka Kenya ee Mombasa ayaa waxaa maanta la soo taagay 7 qof oo Soomali ah, kuwaasi oo lagu soo oogay inay falal burcadnimo ka geysteen meelo ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Garsoorayaasha Maxkamadda, ayaa ku soo oogay raggaasi inay ku guda-jireen fal burcadnimo ah, ka hor intaysan Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee ilaaladda ka haya Xeebaha dalka Somalia soo qabanin bishii October ee sannadkii 2009-kii.

Garyaqaanka difaacayey Kooxda burcad-baddeeda, ayaa waxa uu ku dooday inay raggaasi yihiin Kalluumeysato si gardarro ah loo soo qabtay, laakiin, Xeer-beegtida ayaa ku gacan-sayrtay arrintaasi.

Xeer-beegtidda Maxkamadda, waxay soo bandhigeen qoryo fudud, mindiyo iyo qalab kale oo la sheegay in laga dhex helay doonidii ay Burcad-baddeeda u adeegsanayeen falalka afduubka maraakiibta.

Xukunka maanta ay Maxkamadda Mombasa ku riday raggaasi ayaa yimid iyadoo ay Tobaneeyo Soomaali ah oo loo haysto burcadnimo ay ku jiraan Xabsiyadda dalkaasi.

Tan iyo sannadkii 2006-dii, Maxkamadaha dalka Kenya, waxay bilaabeen inay maxkamadeeyaan Burcad-baddeeda ay Mariniska Maraakiibta Caalamiga ka soo qabtaan Badda Somalia.

www.hobyonet.com

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed