|

Dowladda Netherland oo ogolaatey in maraakiibteeda ganacsigu ay raacaan ciidamo

Netherland-hobyonet)Wasaaradda Difaaca ee dalka Holland, ayaa sheegtay in Milliteriga iyo Boliska oo keliya loo oggol yahay inay Ilaalo ka noqdaan Maraakiibta Ganacsiga ee Holland, si looga caabiyo weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.

Shirkadaha leh Maraakiibta isticmaasha meelaha ay Burcad-baddeeda ka qowleystaan, ayaa loo sheegay inay dacwado muteysan karaan haddii ay Ilaalo hubeysan oo iyaga u gaar ah u adeegsadaan inay Maraakiibta hubka la raacan.

Wasaaraddu, waxay sheegtay in Milliteriga iyo Boliska oo keliya loo oggol yahay inay Maraakiibta ilaalo hubeysan u noqdaan, iyadoo ay qalad ku tilmaamtay in Ilaalo kale loo adeegsado inay maraakiibta waardiyo u noqdaan.

Wargeyska Dutchnews ayaa ka soo xigtay Wasaaradda Difaaca inay jiraan Ciiddamo Gaar ah oo loogu tala galay inay gacan siiyaan haddii ay Maraakiibta Holland cabsi kala kulmaan marka ay dhex mushaaxayaan Badda Somalia ka baxsan ee ay Burcad-baddeedu ku xooggan yihiin.

Martin Dorsman oo ka tirsan Ururka Milkiilayaasha Maraakiibta ee Holland ‘KVNR’ ayaa ku hanjabay inaysan wax markab ah u shiraacan doonin Badda Somalia ku xeeran, wuuuna xusay inay iyagu is-difaaci doonaan, haddii aysan Milliteriga awoodin arrintaasi.

Isfaham la’aanta Dowladda Holland iyo Milkiilayaasha Maraakiibta xamuulka, ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Wasiirka Caddaaladda, Ivo 0pstelten horey u sheegay inay Milkiilayaasha muteysan karaan in la soo maxkamadeeyo, haddii ay jebiyaan amarkaasi.

 

www.hobyonet.com

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed