|

DEG DEG: Dad rayid ah oo Waqoyiga Galkacyo Lagu dilay

Galkacyo/Hobyonet)Labo ruux ayaa caawa lagu dilay  Xaafada Garsoor ee Galbeedka Magaalada Galkacyo .

 

Dadkan rayidka ah ee la dilay ayaa ahaa labo nin oo Si weyn looga yaqaanay Magaalada waxaana la sheegay in xiliga dilka loo gaysnayay Labada Marxuum ay ku sugnayeen Goob lagu caweeyo ayna isku diyaarinayeen Salaada tarawixda.

 

Wararka qar ayaa sheegaya in mid ka mid ah uu dhaawac halis ah yahay balse lama xaqiijin in uu geeriyooday iyo inkale  sidoo kale lama oga ilaa iyo hada cida ka danbeysay dilka loogaystay labada Marxuum oo la sheegay in ay ka soo jeedeen  Degmadda Buuhuudle ayna Magaalada Galkacyo ay ku noolayeen Mudo dheer laguna kala magacbijiray Dhagjar iyo Cabdi Dheere .

 

 Taliyaha Qaybta Buliiska Puntland Max’ed Jaamac Sandaqad   oo ayn xiriir la samaynay ayaa sheegay in ay Baaritaan ka wadaan aagii falku ka dhacay ayna baadi goob  ugu jiraan sidii ay u soo qaban lahayeen cidii falkaas ka danbeysay.

 

Bilihii u denbeeyay waxaa waqooyiga Galkacyo ka jiray falal amaan daro waxaana jira Ciidamo farabadan oo lagakeenay Gobalka Nugaal kuwaa oo qayb ka ah Ciidamada loo xilsaaray Sugida amniga Magaalada .

 

 

 

 

 

 

 

Apply to be a Chitika Publisher!

Comments are closed